Teleefoonkii Uu Isticmaali Jiray Hitler Oo Lagu Xaraashayo Dalka Mareykanka

0
Saturday February 18, 2017 - 14:27:31 in by Burco Office
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Teleefoonkii Uu Isticmaali Jiray Hitler Oo Lagu Xaraashayo Dalka Mareykanka

    Telefoon uu isticmaali jiray Adolf Hitler xilligii uu socday dagaalkii labaad ee dunida ayaa si xaraash ahaan ah loogu iibinayaa Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Telefoon uu isticmaali jiray Adolf Hitler xilligii uu socday dagaalkii labaad ee dunida ayaa si xaraash ahaan ah loogu iibinayaa Mareykanka.

_94719233_7ff3c434-11ad-40f0-a1f0-a420ea78945e

Telefoonka gadoodun, oo ay ku dhegan tahay calaamaddii Nazi-ga, waxaa 1945-tii laga helay dhufeyskiisii Berlin.

Ciidamadii midowgii Soviet, waxay siiyeen askeri ka mid ahaa ciidamadii Britain, Sir Ralph Rayner, si uu xasuus uga dhigto ka dib markii Jarmalka la qabsaday.

Telefoonka oo lagu iibin doono Chesapeake ee Maryland, wuxuu qiimihiisa ka billaabanayaa $100 kun oo dollar (£80,567).

Waxaa la filayaa in telefoonka oo suuqa uu keenay wiilka Sir Ralph, ugu dambeyn lagu gadi doono $300 kun oo dollar.

Adolf HitlerImage captionAdolf Hitler wuxuu Jarmalka u guuray 1913-kii, wuxuu xillagaasi ka tagay Austria

Sarkaalka qaabilsan xaraashka, Bill Panagopulos wuxuu sheegay in telefoonka uu ahaa "hub wax burburiya”.

Hitler telefoonka wuxuu u adeegsan jiray inuu amarro ku siiyo ciidamada "si ay dad u dilaan”, intuu socday dagaalkii labaad, Sidaas waxaa ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.