War Deg Deg:Afhayeenkii hore maamulka Ximin iyo Xeeb oo goordhaw lagu dilay Weerar ka dhacay Muqdisho

0
Saturday February 18, 2017 - 15:01:15 in by Burco Office
  • Visits: 519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg:Afhayeenkii hore maamulka Ximin iyo Xeeb oo goordhaw lagu dilay Weerar ka dhacay Muqdisho

    Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa goordhaw weerar qorsheesan waxa ay ku dileen Afhayeenkii hore maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Xagafey sidoo kale hada kamid ahaa maamulka Tv-ga Kalsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa goordhaw weerar qorsheesan waxa ay ku dileen Afhayeenkii hore maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Xagafey sidoo kale hada kamid ahaa maamulka Tv-ga Kalsan. Weerarkan ayaa ka dhacay agagaarka Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho , waxaana la sheegay in kooxo hubeesan oo gaari watay ay rasaas ku fureen gaari la socday Afhayeenkii hore maamulka Ximin iyo Xeeb.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in dabley saarneed gaari nuuca loo yaqaan Prada ay rasaas xoogan ku fureen gaari yar uu watay Maxamed Cumar Xagafey, waxaana dilka kadib halkaasi ka baxsaday gaarigii weerarka fuliyay.

Waa weerarkii labaad oo saacdao gudahood ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana warar soo baxaya sheegaya in labada weerar ay maanta ka dhacay magaalada Muqdisho lagu fuliyay hal gaari ay la socdeen dabley hubeesan.