Ururka Al-Shabaab Oo Shacabka Uga Digtay Taageerida Dawladda Cusub Ee Soomaaliya

0
Sunday February 19, 2017 - 12:48:10 in by Burco Office
  • Visits: 713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Al-Shabaab Oo Shacabka Uga Digtay Taageerida Dawladda Cusub Ee Soomaaliya

    Ururka Al Shabaab ayaa soo saaray digniin ku aadan shacabka Somaliyed inaysan taageero u muujin dowladda cusub ee curdunka ah ee hogaanka uu u haayo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Maxamed Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Al Shabaab ayaa soo saaray digniin ku aadan shacabka Somaliyed inaysan taageero u muujin dowladda cusub ee curdunka ah ee hogaanka uu u haayo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Maxamed Farmaajo.

Shabaab markii ugu horeysay ayeey ka hadleen doorashadii uu ku soo baxay 8-dii Bishan Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ku tilmaameen Farmaajo inuu ka daran yahay Madaxweynayaashii soo maray Somaliya.

Al Shabaab ayaa sheegay Shacabka Somaliyed iyo qabaa’ilaadka inay uga digayaan taageerida dowladda cusub ee Farmaajo uu hogaamiyo, waxayna intaasi ku dareen Shabaab cidii taageerta dowladda Farmaajo inay dhibaato kala kulmi doonaan Shabaab.

Sheekh Xasan Yacquub oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab ayaa jeediyay hadalkaan digniinta ah ee ku aadan taageerida dowladda cusub ee somaliya ka dhalatay.

"Afar sano oo Farmaajo u dhiman yaan lagu halaagsamin, cid allaale ciddii Farmaajo raacda waa la laynayaa, qabiilkii Farmaajo raaca ama ciddii dana kale ku raacda waa la laynayaa, mujaahidiintu waa idiin digayaan Nin kuu digay kumuu dilin.” Ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

Xoogaga Shabaab ayaa ku hanjabay dowladda Madaxweyne Farmaajo inay la dagaalami doonaan, islamarkaana uusan isbedel ku imaanin fekerka ku aadan dagaalka ay ka wadaan guud ahaan Somaliya.

Al Shabaab oo mucaarad ku ah dowladda kasta oo Somaliya ka dhalata ayaa hadafka guud ay u dagaalamayaan aheyn mid jihaad ah, balse uu yahay Somali naceyb iyaga oo wata feker shisheeye, dariiqana ka luminaya dhalinyarada Somaliyed.