Dareenka ka Dhashay Safarka Gaarka ah ee Madaxweyne Siilaanyo Iyo Hawlaha Xasaasiga ah ee Ahayd Inuu Xaliyo
Safarkan waxa Madaxweynaha ku wehelinayay marwada koowaad ee dalka Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo Xoghayihiisa gaarka ah Cali Axmed Cali.
Socdaalka madaxweynuhu wuxuu dhaliyay dareenno kala duwan oo la xidhiidha waxa keenay safarkan degdega ah iyadoo Somaliland ka taagan yihiin qodobbo u baahnaa in Madaxweynuhu gacantiisa ku maareeyo oo ay ka mid yihiin iyadoo aan wali la isla meel dhigin wax xal ahna aan laga gaadhin wakhtiga ay qaadan doonto muddo kordhinta loo sameynayo xukuumadiisa, ka dib markii la isku raacay inaanay doorashadii madaxtooyadu ku qabsoomi karin wakhtigii loo qoondeeyay ee ahaa 28 March 2017, duruufaha abaarta ba’an ee ka jirta qaybo badan oo ka mid ah dalka.
Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo looga fadhiyay inuu qaado tallaabooyin uu dalka kaga saarayo kala qaybsanaanta ka dhalatay heshiiska dawladiisu ku bixisay saldhigga Millatari ee Imaaraadka carabtu ka sameysanayo magaalada Berbera. In kasta oo 12-kii bishan fadhi wadajir ahaa oo ay wada yeesheen labada aqal ee Baarlamaanka lagu meel mariyay heshiiskaas oo ansixintiisii buuq iyo khilaaf ka dhalisay fadhigaas. Waxa madaxweynaha laga filayay inuu dadka ka soo horjeeda uu qanciyo oo la iska shaafiyo.
Waxa kale oo isa soo taraysa abaarta ba’an ee ku dhufatay gobollada dalka qaybo badan oo ka mid ah taasi oo sababtay dhimasho isla markaana ay ku baro kaceen nus malyuun qoys oo xoolahoodii ka baxeen 95%. Waxa dadka xaalada abaarta la socdaa ay aaminsan yihiin in gurmadkii abaaruhu gaabis galay oo madaxweynaha looga fadhiyay inuu dardar geliyo taakuleynta bulshadda abaareysan oo xaaladooda nololeed laga dayrinayo.
Madaxweynaha safarkiisu waxa kaloo uu ku soo beegmay xilli bulshada danyarta ah ee Somaliland ay haysato xaalad nololeed oo adag oo ka dhalatay sicir-bararka wadanka ka jira oo xukuumadiisu ay go’aamo ka soo saartay xakameynta sicir-barka balse aanay waxba ka bedalin dhibaatadii jirtay.
Dareenka ka Dhashay Safarka Gaarka ah ee Madaxweyne Siilaanyo Iyo Hawlaha Xasaasiga ah ee Ahayd Inuu Xaliyo
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Sabtidii maanta socdaal gaar ah ugu ambobaxay wadanka Ingiriiska, sida ay sheegtay madaxtooyaddu waxa booqashadan gaarka ah ay ku sheegeen inaanay jiri doonin kullamo uu la yeela