Warbaahinta Ingiriiska Oo Saadaaliyay Kooxda Xigta Oo Uu Maamuli Doono Arsene Wenger, Waa Kooxdee?

0
Sunday February 19, 2017 - 12:56:27 in by Burco Office
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahinta Ingiriiska Oo Saadaaliyay Kooxda Xigta Oo Uu Maamuli Doono Arsene Wenger, Waa Kooxdee?

    Ma jiraan wax la hubo ama la xaqiijiyay oo ku saabsan mustaqbalka tababare Arsene Wenger, balse wararka xanta ah ee jira wuxuu yahay in macalinkaan uusan kusii nagaan doonin garoonka Emirates ee ku yaala waqooyiga London inkastoo uu sheegay inuu sana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma jiraan wax la hubo ama la xaqiijiyay oo ku saabsan mustaqbalka tababare Arsene Wenger, balse wararka xanta ah ee jira wuxuu yahay in macalinkaan uusan kusii nagaan doonin garoonka Emirates ee ku yaala waqooyiga London inkastoo uu sheegay inuu sanadka dambe kasoo muuqan doono saaxadda kubadda cagta.

Si loo badbaadiyo mustaqbalka taageerayaasha Arsenal, maamulka Gunners waxey ku qasban yahiin iney meesha ka saaraan Arsene isla markaana u keenaan macalin cusub oo hanaanka kooxda wax ka badala, hana ka reebin in maamulka qudhiisa ay ku qasban yahiin iney hab-dhaqankooda gancsi badalaan si ay ula jaan-qaadaan kubadda cagta casriga ah.

Waxey noqon doontaa maalin aan u wanaagsaneen kubadda cagta England marka uu ka ruuqaansado London, balse waa mid loo baahan yahay inuu huleelo sida ay qabaan jamaahiirta ku xanuunsaday hanaankiisa.

Sida warbixinada ay sheegayaan Arsene Wenger wuxuu kusii jeedaa Paris Saint Germain, waxaana laguu soo waramayaa in tiro sadex jeer ah uu dalab horay uga diiday, balse markaan waxey u muuqataa inuu ku laaban doono dalkiisa France.