Xildhibaan Axmed Ducaale Oo Ka Hadlay Saldhiga Milatari Iyo Xaaladii Labada Gole Ku Ansixiyeen

0
Sunday February 19, 2017 - 12:57:58 in by Burco Office
  • Visits: 898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Axmed Ducaale Oo Ka Hadlay Saldhiga Milatari Iyo Xaaladii Labada Gole Ku Ansixiyeen

    Guddoomiye ku xigeenka Guddida Joogta ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale,ayaa ka hadlay Saldhiga Milatari, qaabkii labada Gole laga ansixiyey, sababta looga doodi waayey, Xildhibaanadii gacanta loola tagay iyo fikirka ay dadweynuhu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye ku xigeenka Guddida Joogta ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale,ayaa ka hadlay Saldhiga Milatari, qaabkii labada Gole laga ansixiyey, sababta looga doodi waayey, Xildhibaanadii gacanta loola tagay iyo fikirka ay dadweynuhu ka qabaan.

Guddoomiye ku xigeenka Guddida Joogta ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay masuuliyiintii ay la kulmeen intii uu Goluhu fasax ahaa iyo waxyaabaha ay kala hadleen, waxaanu yidhi "Dadka reer Somaliland aragtiyo kala duwan bay ka qabaan Saldhiga Milatari, oo dadka qaar baa aaminsan inuu khatar inagu yahay, halka dadka qaarna qabaan inuu faa’iido inoo leeyahay, madaama aynaan ahayn dal la aqoonsaday, inaynu adduunka u furmayno, madaama aynu wadamo la aqoosanyahay oo horumar gaadhay aynu xidhiidh la sameeynay, waxaana qabaa inuu natiijo wax tar ah inoo keenayo, waana ka war sugaynaa”.

Xildhibaan Axmed Ducaale mar aanu wax ka weydiinay waxa ka jira inuu Imaraadku soo maray Dawladda Somaliya ayaa yidhi "Anigu maan arag heshiis ay Dawladdaas Somaliya saxeexday, mana qabo inay saxeexday, maxa yeelay wey ka hadleen oo waa kuwii ka qayliyey, markaas waxa anigu u arkaa inay Somaliland iyo Imaraadku si toos ah u wada xidhiidheen, arinka Saldhiga inay si toos ah uga wada hadleen, oo aan Somaliya shaqo ku lahayn”.

Xildhibaan Axmed Ducaale mar aanu weydiinay sababta keentay in Xildhibaanadu aanay ka doodin, wuxuu yidhi hi "Waxa jira arimo badan oo aan laga doodin, oo inta la soo jeediyey oo Golahayaga iyo Golaha Guurtidaba si toos ah looga ansixiyey wax cusubna maaha”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko Xildhibaanadii ay Ciidamadu gacanta ula tageen ayaa ku jawaabay "Anigu ma aaminsani in Xildhibaanada gacanta la saaro, sababtoo ah xasaanad bay leeyihiin, haddii dooda laga wadi kari waayo in bax la yidhaahdo weeye, laakiin Xildhibaan in gacanta loola tago wax meesha qabta maaha, Xildhibaanadana waxa haboon in wixii ay qabaan ama fikirkooda inay si akhlaaq ku jirto u soo bandhigaan”.

Xildhibaan Axmed Ducaale mar uu ka hadlaayey Guddida Joogta ah ee Golaha Wakiilada oo uu ka mid yahay ayaa yidhi "Haddii aanu nahay Guddida Joogt ah waxaanu fadhinaa Golaha inta uu Goluhu fasax yahay, intii uu Goluhu faxasa ku jirnayna fadhiyo aad u badan baanu yeelanay oo masuuliyiin badan baanu la kulanay, anaga oo matalayna Golihii ayaanu la kulanay, waxaanu wax ka weydiinay oo aanu kala hadlanay waxyaabo badan, oo ay ka mid yihiin xaaladihii markaas taagnaa, waxaanu la kulanay Wasiirka Arrimaha Guddaha, Wasiirka Duulista Hawada, Madaxda Baanka, Guddida Abaaraha, warbixinada aanu ururinayna Barlamaanka ayaanu u gudbinaynaa”

Dhinaca kale wuxuu baaq nabadeed u diray Beelihii ku dagaalamay Deegaanka Ceel Afweyn, oo uu ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, nabadana qaataan.