Dawladda Djibouti oo ka hadashay Saldhiga Milleteri ee Somaliland Berbera ka siinayso Imaaratka

0
Monday February 20, 2017 - 10:56:04 in by Burco Office
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Djibouti oo ka hadashay Saldhiga Milleteri ee Somaliland Berbera ka siinayso Imaaratka

    Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa walaac ka muujisay halista Somaliland kaga iman karta saldhiga uu imaaraadku ka samaysanayo Berbera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa walaac ka muujisay halista Somaliland kaga iman karta saldhiga uu imaaraadku ka samaysanayo Berbera.


Dr Ismaaciil Wacays oo ah la taliyaha dhaqaalaha ee Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo u waramay idaacadda VOA laanteeda afka soomaaliga ayaa sheegay inay dawladda Jabuuti martigalisay saldhigyada todobo wadan oo ka mid ah kuwa adduunka ugu quwadda wayn, hase yeeshee waxa uu sheegay inay dawladda Jabuuti la xisaabtanto safaaradaha dalalkaasi ku leeyihiin dalkaas Jabuuti.

 

10636101_687774144669775_2505658462475429234_n

 

Dhinaca Somaliland waxa uu sheegay inaanu jirin aqoonsi caalami ah taasina ay tahay dhibta ugu wayn ee Somaliland ka soo wajihi karta marka ay ciidamadu dhibaatooyin gaystaan ama ay yimaadaan khilaafaad kale, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

"Waddankan aynu jaarka nahay ee Somaliland hadii aynu tusaale u soo qaadanayo , kolkaad aragto wadan aan meeshii deganeyn , oo siyaasad ahaan maqan (aan la aqoonsayan) kolka uu ciidan uu keeno hadii ay dhibaato dhacdo yaa lala sheekaysan doona oo sidee baa wax looga qaban doona ma cadda dee , lakiin Jabuuti hadii aad eegto Mareykan baa nala jooga oo safaarad Mareykan ah baa nala joogta , ciidan German ah baa nala jooga , safaarad German ah baa nala joogta ” ayuu yidhi

Sidoo kale waxa uu Dr Ismaciil Waceys oo ah La taliyaha arimaha dhaqalaaha ee madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geele oo isagu arintani ka hadley waxaa uu ugu baaqay Somaliland inta ay is qoomameen laheyd marka ay ciidamadu soo deegan in ay iminka arintaasi ka sii fikiraan.

Dhinca kale waxaa uu sarkaalkan ka tirsan xafiiska madaxweyne Geele uu banaanka soo dhigay faa,idoyinka ay dawlada Jabuuti ka hesho saldhig yada dalkeeda ay ka siisay dawlada caalamka iyo qaabka ay u siisay