Xildhibaan Ka Soo Horjeestay Go,Aan Madaxwayne Siilaanyo Soo Saaray Shalay Iyo Waxa Uu Ka Yidhi Halkan Hoose Kaga Boggo.

0
Monday February 20, 2017 - 15:22:08 in by Burco Office
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Soo Horjeestay Go,Aan Madaxwayne Siilaanyo Soo Saaray Shalay Iyo Waxa Uu Ka Yidhi Halkan Hoose Kaga Boggo.

    Xildhibaan cabdirisaaq Maxamuud jaamac oo loo yaqaano Xildhibaan aar ayaa boggiisa uu ku leeyahay baraha bulshada ee facebook wuxuu ku faafiyay qoraal dheer oo uu kaga hadlayay maalinta uu madaxweynaha somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan cabdirisaaq Maxamuud jaamac oo loo yaqaano Xildhibaan aar ayaa boggiisa uu ku leeyahay baraha bulshada ee facebook wuxuu ku faafiyay qoraal dheer oo uu kaga hadlayay maalinta uu madaxweynaha somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo u asteeyay inay ahaato maalinta dhalinyarada reer somaliland oo ku xusan 20 Febaury ee sanadkasta.


Hadaba xildhibaan aar ayaa bulshada sida wayn u taqaana waxay markiiba is waydiiyeen sababaha xildhibaanku wakhtigan ugu soo
beegay aragtidiisa ku aadan maalinta dhalinyarada somaliland waxaana ay markiiba bulshadu qoraalkan ku eegtay il gaar ah isagoo
xildhibaanku qoraalkiisa u dhigay sidan :-

”Caawa taariikhdu Waa 20.2.2017 Waa maalinta loo qoondeeyey in ay noqoto maalinta dhalinyarada Somaliland.

Anigu hadaan aragtidayda ka dhiibto, ilama qurux badna hadiiba dhalinta somaliland loo qoondaynaayo maalin qaran in lagu beego 20
ka February sababta Oo ah maalintani waxay ku suntantahay kacdoonkii kooxdii UFFO ee sideetamaadkii Hargaysa dhagax tuurka
ka sameeyey iyagoo ka cabanaayey maamulkii xiligaas jiray, xiligaas Somaliland May jirin qorshahoodana kumay jirin, dalka
Somaliland wuxuu jiray labo xili Oo kala ah 1960kii wixii ka horeeyey iyo 1991dii Wixii ka danbeeyey intii u dhaxaysayna waxay ka
mid ahayd Jamhuuriyadiisomalida Ee saldhigeedu ahaa Muqdisho mudadaasna Wixii u dhexeeyey Wixii dhacayna kama mid aha
taariikhda Somaliland, wixiise dhacay labadaas jeer Ee aan soo sheegay waxay si toosa uga mid yihiin taariikhda Somaliland,
Somaliland Waa dal ay wada leeyihiin dhamaan bulshada ku wadanooli, maadaama Oo ay sidaas tahay Waxaa haboon in waxkasta
Oo qarankani yeelanaayo in ay noqoto wax la wada leeyahay Oo lagu wada qanacsan yahay.
Maalinta kooxda UFFO dhagax tuurka samaysay kumay midaysnayn dadkii deganaa goboladii waqooyi(Somaliland) Ee waxay ku
koobnayd dadka dega gobolada Hargaysa iyo Burco, ilama saxsana in habar kasta Oo ka soo jeeda goboladaas aan sheegay waxay
samaysay loo aqoonsado wax qaranku leeyahay, waar dalkan umadaa inagula nool iyaguba maalmo badan leh hadaan iyagaba
maalmahooda la qarankan lagu xusayn aynu kuweenana ka dayn Oo aynu ka wada fikirno maalmo la wada leeyahay si qaran loo wada
yeesho, Oo inanka Badhan Jooga iyo inanka Baki jooga iyo inanka Buuhoodle jooga iyo ka Hargaysa joogaaba u dareemo in uu
qarankan wax ku leeyahay, loona dareensiin in cid gaari qarankan leedahay.
waxaan soo jeedinayaa in dib u eegis ama dib u sixid lagu sameeyo maalintan dhalinta qarankan loo asteeyey.
Ugu danbayn waxaan canbaaraynayaa cidkasta Oo ka qayb qaadatay una ololaysay in maalintan loo aqoonsado maalinta dhalinta
Somaliland sababta Oo ah kalamay tashan waxna kamay waydiin dhalinta Somaliland Ee ku kala nool gobolada Somaliland.”

download