Trump oo Masuul Xil u hayey 24 maalmood xilki ka qaaday Masulki u ku bedeli laha oo diiday iyo masuul kale oo uu xilkas u magacaabay

0
Tuesday February 21, 2017 - 08:16:48 in by Burco Office
  • Visits: 673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo Masuul Xil u hayey 24 maalmood xilki ka qaaday Masulki u ku bedeli laha oo diiday iyo masuul kale oo uu xilkas u magacaabay

    Ninka uu madaxweyne Trump la rabay xilkan oo lagu magacaabo Robert Harward ayaa diiday, asagoo sheegay in ay jiraan sababo gaar u ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninka uu madaxweyne Trump la rabay xilkan oo lagu magacaabo Robert Harward ayaa diiday, asagoo sheegay in ay jiraan sababo gaar u ah.

Jen. Flynn oo xilkaasi hayay 24 cisho oo keliya ayaa laga eryay ka dib markii lagu eedeeyay in uu xiriir aan munaasab ahayn la sameeyay Ruushka.Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa lataliyihiisa ammaanka qaran u magacaabay jeneraal HR McMaster, kaasoo bedeli doona jeneraal Michael Flynn.

McMaster ayaa ka tirsan ciidanka Maraykanka, waxaana uu ka qeyb qaatay dagaalladii Ciraaq iyo Afghanistan, asagoo ka shaqeynayay ka hortaga musuq maasuqa.

Ninka uu madaxweyne Trump la rabay xilkan oo lagu magacaabo Robert Harward ayaa diiday, asagoo sheegay in ay jiraan sababo gaar u ah.

Mr Trump oo magacaabidan shaaciyay asagoo ku sugan daarta Mar-a-Lago ee uu ku leeyahay gobolka Florida, ayaa ku tilmaamay jen. McMaster "nin khibrad badan leh, oo xushmad badan ka dhex kasbaday ciidamada."

 

Weriyayaasha ayaa sheegaya in jen. McMaster uu caan ku yahay soo bandhigidda aragtidiisa.

Jariirada Time ayaa sanadkii 2014 ku dartay liiska boqolka qof ee ugu saameynta badan caalamka.

Ninkan loo magacaabay lataliyaha ammaanka qaran ayaa sheegay in uu ka mahadcelinayo fursadan la siiyay.




Sources:BBC.