Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe oo Muqdisho soo gaadhay
Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee dalka Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho oo muddo uusan imaanin.
Sheekh Maxamed Shaakir oo ka soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa Garoonka Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan.
Ujeedka uu u yimid Magaalada Muqdisho Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, waxa uu ku sheegay inay tahay ka qaybgalka Xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha cusub oo maalinta beri ah dhaceyso.
Garoonka Aadan Cadde ayuu Saxaafadda kula hadlay wuxuuna sheegay inuu aad u soo dhaweynaayo isbedelka dhanka hogaanka ah ee Somaliya ka dhacay.
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay dowladda cusub ee Somaliya in laga filaayo inay la timaado wax qabad wanaagsan oo ku aadan rajadda shacabka Somaliyed ay ka leeyihiin.
Magaalada Muqdisho waxaa ku soo qul qulaayo wafuud kala duwan oo qorshahooda uu yahay ka qaybgalka xaflada Caleemo saarka oo maalinta beri ah ka dhaceyso Magaalada Muqdisho.
Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna ayaa si aad ah u dhaliilsanaa Maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo talada dalka looga guuleystay doorashadii sideedii Bishan dhacday.
Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe oo Muqdisho soo gaadhay
Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee dalka Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho oo muddo uusan imaanin. Sheekh Maxamed Shaakir oo ka soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Gobolada Dhexe