Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Xukuumadda Ugu Baaqday Inay Shuruud La'aan Xorriyadiisa Ugu Celiso Suxufi Maxamed Baashe Xasan

0
Tuesday February 21, 2017 - 21:35:10 in by Burco Office
  • Visits: 492
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Xukuumadda Ugu Baaqday Inay Shuruud La'aan Xorriyadiisa Ugu Celiso Suxufi Maxamed Baashe Xasan

    Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Guuleed Axmed Jaamac, ayaa si adag uga hadlay xadhiga suxufi Maxamed Baashe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Guuleed Axmed Jaamac, ayaa si adag uga hadlay xadhiga suxufi Maxamed Baashe

Xasan oo xalay ciidanka Boolisku xabsiga u taxaabeen, iyaga oo ku eedaynaya kicin dadweyne, sidaa awgeedna waxa xaruntani ugu baaqday in shuruud la’aan xorriyadiisa loogu celiyo.


War-qoraal ah oo uu soo saaray Guuleed oo Somalilandtodaysoo gaadhay ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

Xarunta Xuquuqal Insaanka: Dawladdu waa inay xorriyadiisa u soo celis suxufi Maxamed Baashe Xasan

Habeenimadii 20kii February 2017, booliiska Somaliland waxay xidheen Maxamed Baashe Xasan oo ah suxufi iyo qoraa caan ah oo hadda Agaasime ka ah telefishanka Star.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadiisa u soo celiso Maxamed si aan shuruudi ku xidhnayn.

Maxamed wuxuu kaga qaybgalay hoteelka Maansoor xuska Maalinta Dhallinyarada Somaliland oo la xuso 20kii February 1982 oo ahayd markii dawladii ciidanka ahayd ee Siyaad Barre ay gacan kulul kaga hortagtay arday ka mudaharaaday aqoonyahan la xidhay. Maxamed wuxuu ka mid ahaa ardaydii ka qayb gashay mudaharaadkaas ardayda.

Xuska oo uu ka qaybgalay wuxuu Maxamed ka sheegay sida uu uga soo horjeedo qaabka loo maamulay saldhigga ciidan ee laga siiyay Imaaraadka Carabta magaaladda Berbera.

Booliisku waxay ku eedeeyeen Maxamed kicin dadwayne iyo khal-khalgelin amni.

Xaruntu waxay sida ugu adag u canbaaraynaysaa xadhigga suxufigan caanka ah oo ah nin ixtiraam bulshada ka kasbaday laguna yaqaan doorkii uu ku lahaa diidmadii la diiday cabudhintii dawladii ciidaanka ee Maxamed Siyaad Barre.

Qodobka 32aad ee Dastuurka Somaliland iyo qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanku waxay dammaanad qaadeen xorriyadda cabiraadda iyo hadalka.

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Mobile: +252759283208, Uganda

Email:chair@hrcsomaliland.org