Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Soomaaliya Oo Maanta Lagu Caleemo-saarayo Magaalada Muqdisho.

0
Wednesday February 22, 2017 - 10:28:06 in by Burco Office
  • Visits: 475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Soomaaliya Oo Maanta Lagu Caleemo-saarayo Magaalada Muqdisho.

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Arbaca ah si rasmi ah loogu caleema saarayaa xilka Madaxweynaha dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Arbaca ah si rasmi ah loogu caleema saarayaa xilka Madaxweynaha dalkaasi.


caleema_saar-740x400

Xafladda Caleema saarka ayaa ka dhacaysa isla halkii lagu doortey Madaxweynaha ee Xeradii ciidanka cirka ee Afisiyoone.

Waxaa xidhan dhammaan jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa xaniban duulimaadka diyaaradaha rayidka marka laga reebo kuwa sida martida ka soo qayb-galaysa Caleema-saarka.

Dowladda Soomaaliya ma soosaarin liiska martida ka qayb galaysa caleema saarka, warar ayaa sheegaya in qaar kamid ah hoggaamiyaasha dalalka derisku ay ka baaqsadeen kuwaas oo soo dirsanaya wakiilo.

Waxaa ku sugan Muqdisho inta badan madaxda Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa caleema saarka ka qayb-galaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo horey xilka u wareejiyey.