Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Xamar Oo Ka Hadlay Wada-hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya.

0
Wednesday February 22, 2017 - 16:23:58 in by salman abdi
  • Visits: 565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Xamar Oo Ka Hadlay Wada-hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya.

    Madaxweynaha cusub ee dawlada federaalka ah ee somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa sheegay in xukuumadiisu ay sii wado doonto wada hadalkii u dhaxeeyey dawlada dhexe ee somaliya iyo xukuumada somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha cusub ee dawlada federaalka ah ee somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa sheegay in xukuumadiisu ay sii wado doonto wada hadalkii u dhaxeeyey dawlada dhexe ee somaliya iyo xukuumada somaliland.



Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey munaasibadii lagu caleemo saarayey oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wada hadalka u dhaxeeya somaliland uu yahay talaabo horu marineed oo la qaaday, dawladiisuna sii wadi doonto,


 

 

waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ""Wa da hadaladii u dhaxeeyey dawlada dhexe ee somaliya iyo walalaheena somaliland waxay ahayd talaabo wanaagsan oo hore loo qaaday, waxaana naga go,an inaanu sii wadno si aanu uga midha dhalino haddii alle idmo. Dawladii hore ee somaliya ee uu hogaaminayey Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hormood ka noqotay inay burburaan wada hadalkii u dhaxeeyey somaliland, balse madaxweynaha cusub ayaa laga dhawrayaa qaabka uu u hir gelin doono wada hadalka u dhaxeeya Hargeysa Iyo Muqdisho


Wada Hadalkii Somaliland Iyo Somaliya Ayaa Fashiley Sanadkii Aan Kasoo Gudubney Hooraantisii Ka Dib Markii Labada Dhinac Isku Afgaran Waayeen Waxyaabo Ay Ka Wada Hadlaayeen.