Xukumadda Oo Ku Fashilantay Socodsiinta Go,Aankii Ay Kasoo Saatay Sarifka Lacagaha Iyo Magalada Burco Oo Anay Ka Dhaqan Galin.

0
Thursday February 23, 2017 - 09:33:04 in by Burco Office
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukumadda Oo Ku Fashilantay Socodsiinta Go,Aankii Ay Kasoo Saatay Sarifka Lacagaha Iyo Magalada Burco Oo Anay Ka Dhaqan Galin.

    Xukumada Somaliland Ayaa Tariikhdu Markay Ahayd 24/1/2017 Ayaa Waxa Ay Soo Saartay,Go,Aan Ay Ku Xadidayso Sarifka Lacagta Dollarka,Taasi Oo Lagaga Hortagayay Sixirbararka Miciishada Oo Markaasi Maraysay Meeshi Ugu Saraysay Dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukumada Somaliland Ayaa Tariikhdu Markay Ahayd 24/1/2017 Ayaa Waxa Ay Soo Saartay,Go,Aan Ay Ku Xadidayso Sarifka Lacagta Dollarka,Taasi Oo Lagaga Hortagayay Sixirbararka Miciishada Oo Markaasi Maraysay Meeshi Ugu Saraysay Dalka.


Xukumada Somaliland Ayaa Go,Aankaasi Ay Soo Saartay Ayaa Gabi Ahaanka Ka Dhaqanka Galin,Guud Ahaanba Goboladda Somaliland ,Taasi Oo Sababtay Inay Dhamaan Dadwaynaha Ku Dhaqanka Somaliland,Ay Cabasho Iyo Mudaharadyo Kale Duwan Ka Dhigaan Isku Badalka Sarifka Oo Ay Kaga Cabanayaan In Dadka Ka Ganacsada Isku Badalka Lacagta Qalaaad Iyo Shilinka Somaliland Anay Dhag Jalaq Usinin, Dhawaaqi Kasoo Baxay Xukumadda.

Bulshada Ku Dhaqan Magalada Burco Ayaa Waxa Saamayn Baladhan Ku Yeelatay Sixirbararka Maciishada Oo Maraysa Meeshii Ugu Saraysay,Halka Anay Waxba Iska Badalin Sarifka Lacagta

Dollarka Oo Marayaa ,Halkii Ugu Saraysay .
Waxa Hada Gudaha Magalada Burco Lagu Kale Sarifanayaa Gacanta Hore Boqolka Doller,Todaba Boqol Iyo Konton Kun Oo Shilinka Somaliland Halka Gacanta Danbana Ay Marayso Sideed Boqol Iyo Labaatan Kun Oo Shilinka Somaliland. Taasi Oo Sababtay Inay Korkac Ay Ku Timaado Meecishada Iyo Shayda Iibka Ee Yaala Goobaha Ganacsi.

Hadaba Waxa Is Waydiin Leh Maxaa Sababay In Ay Fuliwaydo Go,Aanki Iyo Amarkii Wada Socday Ee Ay Soosaartay Xukumadu Ee Saabsanaa, In Gacanta Hore Lagu Kale Qaato Oo Anay Dhaafin Xadka Ah, In Lix Boqol Iyo Sideetan Kun Oo Shilanka Somaliland Lagu Kale Iibsado Gacanta Hore ,Halka Gacanta Danbana Lagu Sheegay Go,Aankaasi Inaan In Lagu Kale Iibsado Todaba Boqol Oo Kun Oo Shilinka Somaliland Ah.

Si Kastaba Ahaate Xukumada Somaliland Ayaa Ku Fashalantay Inay Xal Waarta U Heesho Qiimaha Lagu Kale Sarifayo Lacagta Qalaad,Lagana War Sugayo Inay Wax Ka Qabato Jabinta Go,Aankeeda Ay Soo Saartay Oo Hada U Muqda Hal Bacad Lagu Lisay.