Maksiko Oo Muujisay In Ay Ka Didsan Tahay Ergayga Trump

0
Friday February 24, 2017 - 14:01:22 in by salman abdi
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maksiko Oo Muujisay In Ay Ka Didsan Tahay Ergayga Trump

    Xiriirka labadaas dal ee deriska ah ayaa maraya halkii ugu hoosaysay muddo tobanaan sano ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka labadaas dal ee deriska ah ayaa maraya halkii ugu hoosaysay muddo tobanaan sano ah

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maksiko ayaa muujiyey inuu ka didsan yahay ergaga madaxweyne Trump, sababtuna ay tahay arrimo la xiriira saiyaasadaha dhawaan uu Maraykanku soo rogay ee ku wajahan jaarkooda dhanka koofureed.

Luis Videgaray wuxuu sheegay inuu u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson oo hadda dalkiisa booqanaya, in Maksiko ay ka welwelsan tahay ixtiraamka xuquuqaha dadka muhaajiriinta ah.

Tillerson ayaa ka sheegay magaalada Mexico city in "laba dal oo awood leh oo madax banaan" ay kala duwanaan karaan wakhtiyada qaar

Xiriirka labadaas dal ee deriska ah ayaa maraya halkii ugu hoosaysay muddo tobanaan sano ah

Qorshaha Maraykanka, oo todobaadkan shaaca laga qaaday, kaasoo dhigaya


in dhanka Mexico loo eryo dhamaanba muhaajiriinta sharci darrada ku socda ee la helo ayagoo ka soo gudbaya xuduudda Maraykanka ayadoo aan loo eegin dalka ay ka soo jeedaan ayaa aad uga caraysiiyey Maksiko.

 

Marka la eego sidii ay wajiyadooda u muuqdeen, kulankii Khamiistii dhex maray saraakiisha Mexico iyo kuwa Maraykanka ayaan muujinayn in xiriirku uu ahaa mid diirran, laakin codkooda ayaa laga dareemayey inuu ahaa mid dhanka heshiiska u janjeera marka loo eego sidii xaaladdu ay ahayd todobaadyadii la soo dhaafay.

 

SOURCES:BBC.