Donlad Trump Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadley Inta Ay Leegtahay Hubka Nukliyeerka Ee Dalkiisu Haysto Iyo Waddanka Kaga Awooda Hubkaasi

0
Friday February 24, 2017 - 15:36:53 in by salman abdi
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donlad Trump Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadley Inta Ay Leegtahay Hubka Nukliyeerka Ee Dalkiisu Haysto Iyo Waddanka Kaga Awooda Hubkaasi

    Hadalkiisii ugu horeeyay ee uu ku soo qaado hubka nukliyeerka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadalkiisii ugu horeeyay ee uu ku soo qaado hubka nukliyeerka.

tan iyo intii uu xafiiska la wareegay, ayaa madaxweyne Donald Trump wuxu ku sheegay in uu doonayo in Maraykanku kordhiyo saanadiisa nukliyeerka.


 

Trump wuxu sheegay in ay "fiicnaan lahayd" in aan dalna hub nukliyeer ah yeelan laakiin hadii ay dhici wayday ay tahay in Maraykanku "ugu awood bato".

Wuxu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Maraykanku "hoos uga dhacay heerkii ku haboonaa ee awoodiisa nukliyeerka"Dadka dhaliila haysashada saanadda nukliyeerka ayaa sheegay in Maraykanka iyo Ruushku ay markooda horaba haystaan hub nukliyeer ah oo ku filan oo aan cidba ugu dhacayn.


Urur dhex dhexaad ah oo Maraykan ah lana yidhaahdo Arms Control Association oo ka shaqeeya xakamadaynta hubka, ayaa sheegay in Maraykanku haysto 6,800 qunbuladood oo nukliyeer ah halka Ruushkuna haysto 7,000 qunbuladood.


Trump oo waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyey Reuters ayuu ku yidhi


"Anigu waxan ahay qofka keliya ee jeclaan lahaa in aan cidina hub nukliyeer ah samaysan, laakiin ma doonayo in dal kale naga hub bato xataa haduu yahay wadan aanu saaxiib nahay. In nukliyeerka nalagaga dheereeyo ma doonayno" ayuu yidhi