Hargeysa: Qisada Gabadh Dhallinyro Ah Oo Gurigooda Laga Kaxaystay Iyo Haweenaydii La Sheegay In Ay Sixirtay Oo La Qabtay

0
Saturday February 25, 2017 - 12:46:57 in by salman abdi
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa: Qisada Gabadh Dhallinyro Ah Oo Gurigooda Laga Kaxaystay Iyo Haweenaydii La Sheegay In Ay Sixirtay Oo La Qabtay

    -Raxma Cabdi Muxumed, oo ah gabadh dhallinyaro ah ayaa ka sheekaysay sixir lagu qabtay oo dabadeed sabab u noqday in la kaxaysto, balse ay markii dambe ka soo fakatay ka dib markii uu miyirkeedii u soo noqday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Raxma Cabdi Muxumed, oo ah gabadh dhallinyaro ah ayaa ka sheekaysay sixir lagu qabtay oo dabadeed sabab u noqday in la kaxaysto, balse ay markii dambe ka soo fakatay ka dib markii uu miyirkeedii u soo noqday.



Raxma oo degen xaafadda Xero-awr ee magaalada Hargeysa, ayaa waxay sheegtay in gabadh da’ ahi ay ugu timid gurigooda, ka dibna ay sixirtay islamarkaana ay kaxaysay oo ay saartay baabuur NOAH ah oo ku sugayay guriga duleedkiisa. Waxaanay qoyskii Raxma soo qabteen islaantii sixirka samaysay oo ay geeyeen xarunta dembi baadhista ee CID-da. Raxma oo u warrantay weriye Badri Kosar oo ka tirsan Star TV, waxay tidhi

"Dhar anoo maydhaya ayay guriga iigu timid oo intay I taabatay igu tidhi miskiinad ayaan ahay ee maxaad igu caawin doontaa. Cid dad waaweyn ahi ma joogaan guriga ayaan ku idhi, dabadeed waxay tidhi wax cunto ah oo la cunaa ma taalaa guriga, anna waxaan idhi maya ee ka waran haddii aan bariis qaydhin ku siiyo, dabadeed waan siiyay oo waan u dhiibay.

Ka dib dharkii iyo alaabtii ayaan u guray oo waxaan garan waayay goor aan bedelmay, waxaan is arkay anoo xijaab qoyan xidhay oo raacay oo fuulay gaadhi halkan taagan oo NOAH ah oo ay saaranyihiin afar nin iyo gabadh kale.”

Raxma oo ka waramaysa halkii la geeyay waxay tidhi "Waxay I geeyeen guri, dabadeed qol ayay fureen ay sii fadhiyeen laba hablood oo ay Kaanoole ku xidhanyihiin, dabadeed dhiigga ayay iga qaadeen irbadna way igu mudeen, waanan tagnay, waxaanay nagu dejiyeen kaalinta ina gaafane ee koonaha galbeed agteeda oo ay yidhaahdeen soo lugeeya aniga iyo gabadhii. Intaan soo lugynaynay ayaa intii aanaan gaadhin halkii lagu balansanaa ayuu miyirkaygii soo noqday oo wax kala gartay, dabadeed waan ka baxsaday oo xaafad ayaan ka galay, xaafadii ayaanan isu sheegay oo aan sidii ku joogay oo ay xaafayadadii iigu timid.”

Cabdiraxmaan Muxumed Odowaa oo ka soo jeeda qoyskan inanta la afduubay, ayaa sheegay in uu la soo hadlay nin ay inantu u tagtay oo ka codsaday inay u tagaan isagoo haya inanta iyo islaantii sixirtayba, waxaanu sheegay inay nasiib wanaag u tageen inantii oo la taagan gabadha wax sixirtay oo uu sheegay inay ku hadlaysay afka Maymayga ee lagaga hadlo Koonfur galbeed, Somaliya, "Annagoo tobaneeyo qof ah ayaanu tagnay, waxaanan u tagnay ninkii qabtay, inantii iyo islaantii oo af maymay ku hadlaysa, oo wuxuu ninku nagu yidhi islaantan ayaa tidhi inanta anigaa dhalay, waanu soo qaadnay inantii iyo islaantiiba oo CID-da ayaanu keenay oo islaantii oo Maymay ku hadlaysaa ku xidhantahay.” sidaas ayuu yidhi Mr. Odowaa.

Aamiin Cabdillaahi Muxumed Odowaa, oo ka mid ah qoyskan gabadhan la sixray, ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inuu isagu yahay qofka sawirka ka qaaday haweenaydan la soo qabtay ee inanta sixirtay.

Xigasho Geeska.