sida ay sheegeen maamulka magaalada Xums, 32 qof ayaa ku dhintay laba qarax oo miidaame ah oo lala beegsaday laba xarumood oo
ciidamada nabad gelyadu ku leeyihiin magaalada Xums ee dalka Suuriya.
Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa ka soo xigatay badhasaabka gobolka Xums, Dalaal Al-Baraasi, inuu sheegay in ay sidoo kale shilkaa ku dhaawacmeen 24 qof oo kale.
Warar kale oo warbaahinta qaarkeed baahisay ayaa iyaguna tibaaxay in madaxii sirdoonka milatariga, Jeneraal Xasan Dacbuul, isna lagu dilay weerarkaa, waxaana la tuhusanyahay in ay weerarka soo qaadeen lix qof oo miidame ahaa.
Xarunta la socodka xad gudubyada xuquuqal insaanka ee Suuriya, oo saldhigeedu yahay Ingiriiska ayaa iyaduna sheegtay in dadka weerarkaa ku dhintay ay ka badan yihiin 40 qof oo badankoodu ahaayeen ciidamada nabad gelada.
Ciidamada dawladda Suuriya ayaa gacanta ku hayey magaalada Xums ilaa bishii Diisembar ee 2015-kii oo ay la wareegeen markii ay ka baxeen dableydii mucaaradka ahayd ka dib markii heshiis xabad joogin ah la gaadhay.
Weerarkan haatan dhacay wuxu ku soo beegmay iyadoo ay ka socdaan magaalada Geneva wada hadallo la doonayo in lagu gaadho xal nabadeed oo lagu soo af jaro xiisadda ka taagan Suuriya.
Taliyihii Sirdoonka Millatariga Suuriya Oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Magaalada Xums.
sida ay sheegeen maamulka magaalada Xums, 32 qof ayaa ku dhintay laba qarax oo miidaame ah oo lala beegsaday laba xarumood oo