Qaraxyo lagu Weeraray Madaxtooyada Somaliya xillii u ku sugnaa madaxweyne xasan sheekh Iyo Muqdisho Oo Maanta Qiiqaysa.

0
Saturday February 22, 2014 - 00:06:52 in by Super Admin
  • Visits: 1033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo lagu Weeraray Madaxtooyada Somaliya xillii u ku sugnaa madaxweyne xasan sheekh Iyo Muqdisho Oo Maanta Qiiqaysa.

    Qaraxyo culus ayaa goor-dhow laga maqlay agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo markaas kaddib ay rasaas xooggan halkaas ka billaabatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaraxyo culus ayaa goor-dhow laga maqlay agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo markaas kaddib ay rasaas xooggan halkaas ka billaabatay Qaraxyo lagu Weeraray Madaxtooyada Somaliya xillii u ku sugnaa madaxweyne xasan sheekh Iyo Muqdisho Oo Maanta Qiiqaysa.

 

Qaraxyo culus ayaa goor-dhow laga maqlay agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo markaas kaddib ay rasaas xooggan halkaas ka billaabatay, taasoo u dhexeysay ragga hubeysan iyo ciidamada dowladda ee ilaalada ka haya xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxyadan ayaa ahaa kuwo aad u culus oo laga maqlayay inta badan magaalada Muqdisho, iyadoo rasaasta ay ka dhacayso dibadda madaxtooyada halkaasoo ay joogeen ciidammo ka tirsan kuwa madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxyadan ay fuliyeen rag hubeysan oo ay miinooyin ku xirnaayeen, waxaana kasoo baxaya tiradooda warar kala duwan, iyadoo rasaastu ay ahayd mid aad u xooggan.

Nuur Shirbow oo ka mida ahaa saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo saraakiil kale ayaa la sheegay inay ku dhinteen gudaha madaxtooyada, inkastoo aysan weli dowladdu arrintan ka hadlin.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan inay jiraan khasaare nafeed oo intaas ka badan oo uu weerarkan qorsheysan sababay, balse si dhab ah looma oga weli inta uu le'eg yahay, waxaana weerarrada noocan oo kale ah looga bartay Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda.

Goobaha ay iska-horimaadyadu ka dhaceen ayaa waxaa ku yaalla guryo ay daggan yihiin xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo kooxaha weerarka soo qaaday ay ku sugnaayeen qaddar waddo gasha albaabka dambe ee madaxtooyada Soomaaliya.

Mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya weli kama hadlin qaraxyadan, waxaana cabsi weyn ay geliyeen shacabka ku nool magaalada Muqdisho, xaaladda ayaa ah mid xilligan kacsan waxaana Magaaladii muqdisho isu Badeshay meel dagaal ka Socdo.



Afkashacabka.com
Muqdisho / Somalia