Wasiirka Arimaha Dibada Sucuudiga Oo Booqasho Lama Filaana ku Tagay Baqdaad.

0
Sunday February 26, 2017 - 10:15:09 in by salman abdi
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arimaha Dibada Sucuudiga Oo Booqasho Lama Filaana ku Tagay Baqdaad.

    Wasiirka Arimaha Dibada Sucuudiga Oo Booqasho Lama Filaana ku Tagay Baqdaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arimaha Dibada Sucuudiga Oo Booqasho Lama Filaana ku Tagay Baqdaad.

Wasiirka arimaha dibadda Sucuudiga, Caadil Al-Jubayr, ayaa booqasho lama filaana ku tagey magaalo madaxda Ciraaq ee Baqdaad, taas oo noqonaysa booqashadii ugu horraysay ee uu wasiir arrimo dibadeed Sucuudi ahi ku tago halkaa tan iyo sannadkii 2003.

Al-Jubayr wuxu kulan la yeeshay dhigiisa Ciraaq Ibrahim Al-Jacfari iyo ra'isal wasaare Xaydar Al-Cabbaadi.

Safaaradda Sucuudigu ku lahaa Ciraaq oo xidhnayd tan iyo sannadkii 1990, ka dib markii ciidamada Ciraaq ku duuleen Kuwait markii uu dalka ka arriminayey Saddaam Xusayn, ayaa dib loo furay sannadkii 2015-kii oo loo magacaabay Saamir [Thaamir] Al-Sabhan inuu ka noqdo danjire.

Hase yeeshe muddo ka dib ayaa waxa xilkaa lagu wareejiye diblomaasi kale oo sii haye ka ah safaaradda ka dib markii wasaaradda arimaha dibadda Ciraaq ka cosatay Sucuudiga in ay danjirahoogu ka baxo dalka ka dib markii uu sheegay in "Iran faro gelin toosa ku hayso arrimaha gudaha Ciraaq oo ay dhibaataynayso Sunniyiinta".

Sidoo kale, Al-Sabhan wuxu mar kale dhaliilay xoogagga maleeshiyaadka madaniga ah ee Shiicadu u badanyihiin iyo doorka ay ku leeyihiin dagaalada ay milatariga Ciraaq kula jiraan dableyda kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Markii Sucuudigu danjiraha u dirtay Ciraaq sannadkii 2015-kii waxa loo qaatay in ay ahayd tallaabo muujinaysay bilowga iskaashi adag oo ay labada dal ka yeelanayaan la dagaalanka kooxda Daacish.