Ciidamo Gadoodsan Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Dhismaha BarlamaanKa Puntland Iyo Xildhibaan-No Ku Xaniban Gudaha Hoolka

0
Sunday February 26, 2017 - 12:07:24 in by salman abdi
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Gadoodsan Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Dhismaha BarlamaanKa Puntland Iyo Xildhibaan-No Ku Xaniban Gudaha Hoolka

    Garoowe(AFKA)Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta dhismaha barlamaanka ee magaalada Garowe ,waxaana sida la sheegay ay ka cabanayaan mushaar la'aan haysatay bilihii la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe(AFKA)Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta dhismaha barlamaanka ee magaalada Garowe ,waxaana sida la sheegay ay ka cabanayaan mushaar la'aan haysatay bilihii la soo dhaafay.

Sawirro laga soo qaaday ciidamadan ayaa muujinaya gawaari nooca milatariga ah oo lagu hor-jaray hoolka Barlamaanka , waxaana ay gabi-ahaanba xireen isku socodkii dadka iyo ganacsiga magaalada Garowe.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gudaha dhismaha barlamaanka ay ku jiraan xubno ka tirsan barlamaanka Puntland oo gaaraya 15- Mudane oo isugu jira rag iyo dumar ,waxaana la sheegay in mudanayaasha loo diiday in ay banaanka uga soo baxaan hoolka.

"Walaal ma jirto cid gudaha u gali karta kana soo bixi karta , sababta ay barlamaanka u doorteen lama garanayo , mana jirto cid u dhawaan karta " ayuu yiri Cilmi Jaamac oo ku sugan goobta la qabsaday.
/images/2017/Feb/

Sidoo kale waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in ciidamo kale ay ku biireen ,kuwaasi oo iyagana ka cabanaya mushaar la'aanta ,waxaana ciidamadan la wareegay hoolka barlamaanka ay ka soo kicitimeen magaalada Gaalkacyo .

Mas'uuliyin ka tirsan dowladda oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah-faahin ka bixiyaan arintan oo ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo ay Puntland bartamaha kaga jirto dhibaatooyinka dhanka siyaasad-da ah.
/images/2017/Feb/

Ugu danabyn, wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire ayaa shalay magaalada Garowe ka sheegay in Puntland ay u baahan-tahay bad-baadin , isaga oo tusaalooyin u soo qaatay amniga iyo dhaqaalaha oo uu sheegay in ay faraha ka baxeen.