Guddomiyaha Barlamanka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro Oo Gurigiisa Hadhimo Sharafeed Ku Maamusay Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Daahir Riyale Kahin+Sawiro

0
Sunday February 26, 2017 - 21:43:18 in by salman abdi
  • Visits: 987
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiyaha Barlamanka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro Oo Gurigiisa Hadhimo Sharafeed Ku Maamusay Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Daahir Riyale Kahin+Sawiro

    Hargeysa(AFKA);Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta casuumad sharafeed aad u heer saraysa gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta casuumad sharafeed aad u heer saraysa gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa

ugu sameeyey Madaxweynahii hore ee Somaliland Md.Daahir Ra’yaale Kaahin oo dhawaan dalka dib ugu soo socday, ka dib socdaal uu in muddo ah ugu maqnaa dalka dibaddiisa.

1234567891112131415161718192122232425

Hadhimo-sharafeeddan oo ay sida oo kale ka soo qeyb-galeen Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, wasiirkii hore ee qorsheynta xukuumaddii Daahir Ra’yaale Siyaasi Cali Sanyare, wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta xukuumaddii Daahir Ra’yaale Siyaasi Siciid Sulub Maxamed, wasiirkii hore Beeraha Md.Aadan Dhooleyare, siyaasi Cali Cantar oo ka tirsan hoggaanka Xisbiga WADDANI, xildhibbaan Cabdiraxmaan aw-Xoog, xildhibbaan Xuseen Ismaaciil, Siyaasi Codyare, Pro.Qaasim Tubeec iyo weli ba mas’uuliyiin iyo haldoor kale oo aad u tira badan.
Kulankan hadhimo sharafeed ab, ayaa intii uu socday ay labada dhinac ba isku weydaarsadeen arrimo badan oo khuseeya xaaladda guud ee Somaliland, waxaana Murashaxiinta Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Xisbiga WADDANI iyo weli ba mas’uuliyiinta kale ba ay ku dheeraadeen sida oo kale na ay ku boggaadiyeen Daahir Ra’yaale Kaahin halkii uu soo gaadhsiiyey qaranka Somaliland iyo weli ba sida oo kale siddii dimuqraadiyadda ahayd ee uu u wareejiyey xilkii Madaxtinimo ee Somaliland.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland Md.Cali Sanyare oo markii hadhimo-sharafeeddaasi soo idlaatay la hadlaayey qaar ka mid ah Warbaahinta, ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey ujeedka hadhimo sharafeeddaas iyo weli ba sida oo kale waxyaabahii laga ga wada-hadlay kulankii dhex-maray Madaxda WADDANI iyo Madaxweynahii hore ee Somaliland.

"Maanta, waxa qado sharafeed sameeyey guddoomiyaha ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo u sameeyey Madaxweynaheenii hore ee Somaliland Md.Daahir Ra’yaale Kaahin oo hada dalka jooga, waxaana casuumaddaas yimi kaadirka Xisbiga iyo saaxiibaddiisii hore ee Xisbigii UDUB iyo weli ba dad badan oo kale oo ah haldoorkii dalka, si wanaagsan bay casuumaddaasi u dhacday oo aad iyo aadna waanu ugu hambalyeynay Madaxweyne Ra’yaale siddii fiicneyd ee uu xilka u dhiibey, wadanka na halkii uu soo gaadhsiiyey baa iyana aad iyo aad looggu boggaadiyey, waxaana runtii ay ahayd qado sharafeed dad is yaqaanaa ay is casuumeen oo aad iyo aad na si farxadle oo fiican ayey u dhammaatay.”.Ayuu yidhi Cali Sanyare.

Siyaasi Cali Sanyare oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu Madaxweyne Daahir Ra’yaale uu ku boggaadiyey taariikhda uu kaga tagay Somaliland, waxaana uu yidhi: "Qoladayadii berigii hore ahayd UDUB na ee imika na ka tirsan WADDANI, waxa aanu anagu na casuumad gaara aanu u sameynaynaa Madaxweyne Daahir Ra’yaale Kaahin, waa Madaxweyne mudan in la sharfo, waa Madaxweyne mudan in la qadariyo, waa Madaxweyne runtii intii uu xilka hayey aad iyo aad uu dalku hore ugu maray, dalku na uu aad iyo aad ugu badhaadhay, markaa anaga oo sidaas u qadarineyna ayaanu anagu na isha Allah casuumad weyn baanu u sameyn doonaa.”.