"Waxa Muuqata In Xeer ilaalinta Iyo Boolisku Ka Awood Badan Yihiin Garsoorka."..Gudoomiyaha Solja Mr;Xuuto

0
Sunday February 26, 2017 - 21:47:10 in by salman abdi
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxa Muuqata In Xeer ilaalinta Iyo Boolisku Ka Awood Badan Yihiin Garsoorka."..Gudoomiyaha Solja Mr;Xuuto

    Hargeysa(AFKA);Guddoomiyaha ururka saxafiyiinta SomalilandMaxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa eedihii ugu cuslaa u jeediyey xeer ilaalinta ee hoggaanka kala duwan ee ciidamada Booliska Somaliland, waxana uu ku dhaleeceeyey inaanay u hoggaansamin awaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Guddoomiyaha ururka saxafiyiinta SomalilandMaxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa eedihii ugu cuslaa u jeediyey xeer ilaalinta ee hoggaanka kala duwan ee ciidamada Booliska Somaliland, waxana uu ku dhaleeceeyey inaanay u hoggaansamin awaamiirta maxkamadaha dalku soo go'aamiyaan.

Guddoomiye Xuuto oo ka hadlayey muran ka taagnaa sii deynta Agaasimaha Telefishanka Star Md, Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo maxkamaddu amartay in dammiin lagu sii daayo, balse ay markii hore Booliska iyo xeer ilaalintu diideen, ayaa sheegay inay amaamiirtii Booliska iyo kuwii Xeeri ilaalintu noqdeen qaar ka sarreeya amarradii maxkamadaha dalku leeyahay,"Waxa muuqata in xeer ilaalinta iyo Boolisku ay ka awood badan yihiin Garsoorka, waxana ay muujiyeen wixii bulshadu


ka caban jireen ee ahayd inaanay garsoorku madax bannaanayn oo ay Booliska iyo xeer ilaalintu kaga dhabeeyeen, isla markaana xukuumaddu adeegsanayso go’aan ka sarreeya midka maxkamadaha oo ay shacabka iyo saxaafaddaba u adeegsanaysa”ayuu yidhi guddoomiye Xuuto.

 

Maxamuud Cabdi Jaama Xuuto oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in iyada oo kartidii labadaas hay’adood ay hoos u dhacsan yihiin, haddana ay ku dhiirran yihiin xadhigga muwaadiniinta, waxana uu yidhi, "Inaga oo og in hay’adahaasi ay fadhiid ka yihiin hawlihii ay u igmanaayeen oo markii aanu isku daynay halla eego qaabka maamul ee hay’adaha amniga oo cabooshin badani ka taagan yihiin ay xabsi ku mutasyteen madaxdii ururrada Bulshadu, waxanu u aragnaa qalad iyo gef iyo go’aan baadil ah oo qaraarradii rasmiga ahaa ee maxkamadda la is hortaagay.”

Waxa uu sheegay inay urur ahaan aaminsan yihiin in xaaladdu dalku meel xun marayso, isla markaana duruufta lagu jiraa hoos uga dhacday middii tacadigga lagu sheegi jirey ee la arkay xilliyadii taliskii Siyaad Barre, "Waxanu qabnaa duruuftii dalka ka taagnayd waqtigii uu Maxamed Baashe dalka ka baxay mid ka darani ay maanta taagan tahay”ayuu yidhi guddoomiye Xuuto.