BARIISKA IYO MUUSKA OO LA OGAADAY INAY FAAIDO U LEEYIHIIN XANUUNKA…...

0
Wednesday July 02, 2014 - 12:03:41 in by Holland Office
  • Visits: 1953
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BARIISKA IYO MUUSKA OO LA OGAADAY INAY FAAIDO U LEEYIHIIN XANUUNKA…...

    Diraasad lasoo saaray dhawaan ayaa lagu ogaaday in muuska iyo bariiska oo ah cuntooyinka ugu badan ee somaalidu ay quutaan faaido wayn u leeyihiin joojinta shubanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diraasad lasoo saaray dhawaan ayaa lagu ogaaday in muuska iyo bariiska oo ah cuntooyinka ugu badan ee somaalidu ay quutaan faaido wayn u leeyihiin joojinta shubanka.

Shubanka ayaa sidiisaba aan u kala aaba yeelin waynaan iyo yaraan toona, waxaanuu qofka ku keenaa mushkilaad farabadan oo xaga caafimaadka ah, sida uu u badan yahayna ma dhaafo laba maalmood xaga meelaha dadka danyarta ahi dagan yihiin uu ku badan yahay.

Hadaba xanuunkan ayaa waxaa keena Virus, ama cunto lagu sumoobo, waana ta ugu farabadan ee uu ka imaado shubanku.
Sida ay sheegayaan dadka wax ka yaqaan xanuunada dheef shiidku ayaa "shubanku waxa uu dhacaa marka ay qofka xaaladiisa naf ahaneed hoos u dhacdo, marka uu cabo biyo aan nadiif ahayn, iyo marka uu badsado waxyaabaha midabka artificial-ka ah.”
Waxa kale oo xanuunkan sababa qaar kamid ah cudurrada ku dhaca dheefshiidka, iyada oo ay jiraan xaaladaha qaar in lagula dagdago dhakhtarka, gaar ahaan caruurta marka uu haleelo, waxa jiri kara in dadka waawayni ay aad calooshu u xanuunta gaar ahaan marka ay xaajada gudanayaan.

Hadaba hadii uu shubanku sii socdo muddo 48 saacadood ka badan waxa lagama maarmaan ah in dhakhtarka uu tago qufku, isla marka uu sidaasi u dareemo waa inuu joojiyaa waxyaabaha cabitaanka oo dhan ah, qabow iyo diirimaad ba, isaga oo intaasi raacinaya inuu yaraysto cuntooyinka culculus.

Ugu dambayntii qofku marka uu isku arko inay calaamadihii xanuunkani sii suulayaan, waa inuu cunaa bariis iyo muus, waayo labadani waxa ay hagaajiyaan xaalada caafimaad ee jidhka, iyada oo aynu wada ognahay in xanuunkan uu yahay mid ka imaada badiyaaba nadaad darrada iyo khudaarta oon la iska maydhin.