Silsilada Shiinleyda Oo Barta Facebook Ka Bilaabantey Abwaan Xasan-dhuxul iyo Abwaano Kale Oo Foda Isku Daray.

0
Tuesday February 28, 2017 - 09:07:04 in by salman abdi
  • Visits: 1042
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Silsilada Shiinleyda Oo Barta Facebook Ka Bilaabantey Abwaan Xasan-dhuxul iyo Abwaano Kale Oo Foda Isku Daray.

    Hargeysa(AFKA);Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul(Laab-Saalax),oo kamid ah Abwaanada ugu midhaha fiican Sabanka islamarkaana ah Gudoomiyaha Kooxda Fanka iyo Fanaaniinta Xidigaha Geeska,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul(Laab-Saalax),oo kamid ah Abwaanada ugu midhaha fiican Sabanka islamarkaana ah Gudoomiyaha Kooxda Fanka iyo Fanaaniinta Xidigaha Geeska,

ayaa markii u horeysay dhawaan Bogga uu ku leeyahay Facebook ee Bulshadu ku xidhiidho kusoo bandhigay Silsilada Shiinleyda taas oo ay jawaabo hor leh ka bixiyeen qaar badan oo kamid ah Abwaanadu.

Waxaanu halkan idiinku soo Gudbinay Midhihii Shiinleyda ee Abwaan Laab-saalax curiyay iyo Abwaanadii ka jawaabey ka akhri bogga hoose;-

Hordhaca Silsilada

h

Silsiladan SHIINLEYDA- oo ka bilaabantay Barta Facebook oo markii ugu horaysay abwaan xasan dhuxul laabsaalax soo dhigay maanso kooban bogiisa gaarka ah ee Uu Facebook-ga ku leeyahay ayaa waxa ka jawaabay abwaanada wakhtigan kuwooda ugu miisaanka iyo midhaha cukusle- islamakaana waxay u muuqataa silsiilad ka ka


turjumaysa dareenka bulshada inktastoo aanay jirin ilaa hada aragtiyo aad loogu kala duwanyahay oo abwaanada ay iskaga soo hor-jeedaan hadana waxa muuqata in ay noqon karto silsilad si wayn loogu kala qaybsamo

 

Abwaan xasan dhuxul Laabsaalax oo ku soo hal qabsaday abwaanka caanka ah ee Sidiiq maxamed burmad ayaa yidhi sida tan:

 

Abwaan Hassan dhuxul laabsaalax

Shaxda Garo Sadiiqoow

Ina ganay Shilkii Dhacay

Ma ogayn Shalaytee

Batuun iyo la shawr guray

Fartaag hoos u Wada shira

Xaaji shabaga Soo gali

Shanqadhaha badh baa jira

Laga qariyay Shicibkee

Shiishka Saar Wacyiga jira

Garashada bal Shaandhee

Xogta Shaadhka Loo Tolay

Inaad Sheegto Waa Gare

Dareenada Shakiga Dhalay

Yaa Keenay Shaarica

GoorMuu Sharcigu Yidhi

Danbi Sheekha kama dhaco?

Doonidii Shiraacnayd

Shixnadeeda Yaa dhacay?

Goormaa Shuruud Li,i

Sharka Khayrka loo Rogay?

Damiirkii Shakaalnaa

Hadmuu shilinku maamulay?

Sheekada Intaad Daday

Ha Sharaxo Wax garadkuye

Maalintii Shilkaha Culus

Laysku Shiishay Baaruud

Ninka Dhiig u soo shubay

Ee Shahiid Ku Talo Galay

Markuu Saaka Shaacee

Qiiq Shareeran Daawaday

Shalay Dhaantay buu yidhi!!!

 

 

Abwaan Sidiiq Maxamed Burmad

 

laabsaalaxow shiiq

ninkastoo shax dhigi jiray

mas-dilkaa ka shicib badan

jiiraanka soo shiri

wax u sheeg haweenkii

ubadkiina kaga shubay

laabsaalaxow shiiq

ninkastoo shax dhigi jiray

masdilkaa ka shicib badan

jiiraanka soo shiri

wax u sheeg haweenkii

ubadkiina kaga shubay

shookaanta kuu qabay

shib dhe kii la odhan jiray

shicib waa" indheergarad

 

markii shaalka loo sudhay

iyagoo wan shilis qalay

waa kuwaa shariiryaha

cunayee ka sheekee

 

iyagoo intii shalay

aan shilin cid uga tagin

waa kuwaa shandado kale

rartayee ka sheekee

 

cirkanoon raxmaad shubin

shansannoo abaaro ah

bal kuwaa shaqaystee

shilinkii yimaadaba

shuuqsaday ka sheekee

 

sida shaagga loo rogo

shishe iyo dib loo wado

waa kuwaa shuruucdii

shabagii ugaadhsiga

ka dhigee ka sheekee

 

shaqaaqooyin faafiyo

xaalado shacbiga dhiba

guddi shaaci mooyee

awoodaha dabkoo shidan

shuuriya ka sheekee

 

shaqsibaa la doortee

shaadh bira rag loo tolay

iyo dhowr shalmado xidhan

shidhku deeqi maayee

shil intaanu wali galin

wadayaal ka sheekee

 

waa amar shirkadahoow

u shaqeeya caynkaa

shilinkaa la kabayaa

bal inay shantarad tahay

shalay uun go’aankii

dhacay uun ka sheekee

 

baryahaaba shalowyay

qodayeen shisheeyuhu

shaqadooda yaa yidhi

shidaal baadhis weeyaan

sahan aan xog sheegayn

bal aduu ka sheekee

Dhamaadka wada sheekaysiga

 

Abwaan AXMED CISMAAN BATUUN

 

Shirka maansayahankee

Xasan shaaciyoow bado

Ha is dhaafo shoocaac

darandoorriyoo shuba

Shida oo ha oogsado

Ha shaqeeyo golihii

Shiishka saari jiray meel

Ee shicibku tabayeen

Hala gubo shayaadiin

Ku shaqaysta dhawr magac

Qudhayduna shilays iyo

Murti sheegan maayoo

Shaaggaan u rogayaa

Shookaanna ma lehee

Ragii shiili jirayee

Sida shaanbaddoo kale

Shadka saari jiraybaan

Xalay sheedda ka arkoo

Isla shawrisbaa tidhi

La shaqee abwaanada

Kala shubay warkiinii

Shaandheeyay weedhaha

Runtu waa shahiidnimo

Dadna shaahid weeyaan

Gefka sheelan lagu yuus

Hal abuurka shicibkuna

U bayaami shuqulada

Shakaal goo dulqaadkii

Shar ka wayn siyaasiga

Iyo sheeko daahnayd

Hal abuurku isu sheeg

Sharafyahaw maryaha tolo

Adna sheekh haldeeqoow

Qabo shamaca nuurka leh

Ha shallaado maansadu.....

Abwaan Axmed Fartaag

Sheekha lacagta qaatee

Shib ka yidhi xaqiiyee

Shilmaad ku doorsaday

Inuu diinta sheeguu

Shakaal dawlad lagu xidho

Shacabkana wanaag faro

Sharka iyo dhibaatada

Dadka shoolad uga digo

Xasanow. Ku shubashadu

Sharaftii Abwaanada

Qaar bay shalaadkii

Kaba shuuri tidhi-yoo

Runta uga shakaalmee

Saw siyaasi sheekada

Shaxda ruuxa lagu dago

Kubad shabaqa muu dhigin

Waxa shiinka keenaa

Bal in loo sharaxo iyo

Dadku shaafi sugayee

Shaqalkiyo u jeedada

Shibanaha bal noo sheeg

 

 

Cabdiraxmaan Cismaan Cumar Xaaji

 

Laabsaalax sheekadu

Shir jara.id qabashiyo

Shaashada ha dhaafte

Inagoon wax sheelayn

Shicibkiyo dadwaynaha

Shilkan faraha lo dariyo

Shiddo qaranku moogyahay

Shaaca maw................Lasoco