Jose Mourinho Oo Doonaya Inuu Xagaagan Xidig Muhiim Ah Kasoo Qaato Chelsea

0
Tuesday February 28, 2017 - 09:45:03 in by salman abdi
  • Visits: 565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho Oo Doonaya Inuu Xagaagan Xidig Muhiim Ah Kasoo Qaato Chelsea

    Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa doonaya ugu yaraan laba ama sadex ciyaartoy marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxaana si hoose loo helay inuu xidig muhiim ah ka doonayo Chelsea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa doonaya ugu yaraan laba ama sadex ciyaartoy marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxaana si hoose loo helay inuu xidig muhiim ah ka doonayo Chelsea.

Jariiradda Telegraph cadadkeedii maanta ayaa lagu daabacay in Jose uu isha ku hayo kubad sameeyaha reer Spain Cesc Fabregas kaas oo ay ka wada shaqeeyeen xilli garoonka Stamford Bridge.

Ninka reer Portugal wuxuu taageero fiican u yahay Cesc kaas oo lagu tilmaamo mid kamid ah kubad sameeyayaasha ugu halista badan waqtigaan qaaradda yurub inkastoo aan la ogeyn sida ay Blues ku aqbali karto inuu ku biiro Red Devils.

Dhinaca kale Ac Milan ayaa qudheeda dhinac kaga jirta tartanka loogu jiro saxiixa Cesc Fabregas waxeyna isku diyaarineysaa iney dalab 27 Malyan oo Pound ah ka gudbiso xidigii hore Arsenal.