Afar Nin Oo Sirdoona Oo La Radinayo Kadib Dilkii Kim Jong-nam

0
Tuesday February 28, 2017 - 10:06:48 in by salman abdi
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Nin Oo Sirdoona Oo La Radinayo Kadib Dilkii Kim Jong-nam

    Afar Nin Oo Sirdoona Oo La Baadi Goobaayo Kadib Dilkii Kim Jong-nam Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilkii dalka Malaysia loogu geestay Kim Jong-nam oo ahaa nin la dhashay Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, waxaana soo baxaya in dilkiisa ay ku lug la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar Nin Oo Sirdoona Oo La Baadi Goobaayo Kadib Dilkii Kim Jong-nam Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilkii dalka Malaysia loogu geestay Kim Jong-nam oo ahaa nin la dhashay Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, waxaana soo baxaya in dilkiisa ay ku lug lahaayeen xubno sirdoon ah.

Hay'ada dhinaca Sirdoonka u qaabilsan Kuuriyada Koonfureed ayaa aaminsan in afar nin oo loo baadi goobayo dilka Kim Jong-nam ay kamid ahaayeen sirdoonka Waqooyiga Kuuriya ayna la shaqeenayeen Wasaarada Amniga ee dalkaasi.

Labo haween ah ayaa gudaha garoonka Diyaaradaha magaalada Kuala Lampur ku sumeeyay Kim Jong-nam oo la dhashay , waxaana kiiskan loo xiray haweenkii sumeeyay iyo dad kale oo la tuhmayo in ay ku lug lahaayeen.
 


Booliiska Malaysia ayaa soo bandhigay Sawirada afar nin oo kamid ah dadka loo baadi goobayo in ay ku lug lahaayeen dilkii Kim Jong-nam, xubnahan afarta ah ee la baadi goobayo ayaana lasoo sheegayaa in ay kamid ahaayeen Sirdoonka Waqooyiga Kuuriya.

Dowlada Waqooyiga Kuuriya ayaa lagu tuhmayaa in ay ku lug laheed dilka Kim Jong-nam, waxaana wali socda baaritaano lagu ogaanayo cida maleegtay dilkaasi iyo ujeedka ka dambeeya, waxaana wali la baadi goobayaa dad la tuhmayo in dilkaasi gacan ka geesteen.