Wadamada Ruushka Iyo Shiinaha Oo Codka Veto Saaray Cuna Qabatayn Lagu Soo Rogo Dalka Suuriya

0
Wednesday March 01, 2017 - 17:41:30 in by salman abdi
  • Visits: 557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadamada Ruushka Iyo Shiinaha Oo Codka Veto Saaray Cuna Qabatayn Lagu Soo Rogo Dalka Suuriya

    Ruushka iyo Shiinaha ayaa labaduba shalay codka diidmada qayaxan ee Veto u adeegsaday inay xannibaan tallaabo golaha ammaanka ee QM uu cunaqabeteyn ku saari lahaa taliska dalka Syria, sababo la xiriira inuu hubka kiimakada u isctimaalay shacabka dalk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruushka iyo Shiinaha ayaa labaduba shalay codka diidmada qayaxan ee Veto u adeegsaday inay xannibaan tallaabo golaha ammaanka ee QM uu cunaqabeteyn ku saari lahaa taliska dalka Syria, sababo la xiriira inuu hubka kiimakada u isctimaalay shacabka dalkaas.

Dalka Bolivia oo sidoo kale xubin ka ah golaha ammaanka ayaa diiday tallaabadii laga qaadi lahaa madaxweyne Assad, halka dalalka Masar, Kazakhstan iyo Ethiopia ay ka aamuseen.Waxa ay ahayd markii toddobaad muddo lix sano ah oo dagaalka Syria uu socday, taasi oo Russia ay codka diidmada qayaxan u adeegsatay inay difaacdo maamulka madaxweyne Bashar al-Assad.

Si kastaba sagaal dal ayaa u codeeyey cunaqabateynta



ka dhanka maamulka madaxweyne Assad, taasi oo ku filnaan lahayd inay dhaqan gasho, haddii aysan codka Veto ku diidin Russia iyo China.

 

 

 

 

Source:-VOA