DAAWO/AKHRI:-Murashaxa Madaxweynaha X.WADDANI Oo Taageerey Mudaharaadka Ka Dhacay Ingiriiska ee Lagaga Soo Horjeedo Saldhiga Milatari+ Dhaliilo Xooggan oo uu u Soo Jeediyey Xisbiga KULMIYE Iyo Farriimo Uu u Direy Xukuumadda iyo Golaha Guurtida

0
Thursday March 02, 2017 - 16:45:30 in by Hargeysa Office
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO/AKHRI:-Murashaxa Madaxweynaha X.WADDANI Oo Taageerey Mudaharaadka Ka Dhacay Ingiriiska ee Lagaga Soo Horjeedo Saldhiga Milatari+ Dhaliilo Xooggan oo uu u Soo Jeediyey Xisbiga KULMIYE Iyo Farriimo Uu u Direy Xukuumadda iyo Golaha Guurtida

    Hargeysa-(AFKA)MurashaxaMadaxweynahaXisbigaWADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku dhawaaqay in ay ka xisbi ahaan taageerayaanMudaharaadkalaga ga soohorjeedoSaldhigaMilatariee Imaaraadku ka sameysanaayo Berbera ee ka dhacaaya dal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(AFKA)MurashaxaMadaxweynahaXisbigaWADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku dhawaaqay in ay ka xisbi ahaan taageerayaanMudaharaadkalaga ga soohorjeedoSaldhigaMilatariee Imaaraadku ka sameysanaayo Berbera ee ka dhacaaya dalkaIngiriiska, waxaana uu cod dheer ku sheegay in aanay marnaba aqbali doonin ciidamo shisheeye oo dalka la keeno isaga oo dhanka kalena tilmaamay in ay mudaharaado dalka gudahiisa ka sameyn doonaa Mudaharaado salmi ah oo ay dariiq shacri u soo mareen.
Dr.Cabdiraxmaan Cirro, ayaa hadalkan ka sheegay madal uuXisbigaWADDANI ku soo dhaweynaayey dhallinyaro iyo haween ka soo jeeda degmada 26ka Juun ee Hargeysa, waxaana uu ugu horreyn tilmaamay in Somaliland ay u baahan tahay horumar balse aanay u baahneyn ciidamo shisheeye oo qabsada.

"Somaliland waxa ay u baahan tahay horumarin, waxa ay u baahan tahay xasilooni ee uma baahna saldhig iyo ciidan shisheeye toona, waxa ay u baahan tahay in ay nabad kula noolaato dalalka ay deriska la tahay.XisbigaWADDANI na waxa uu meel cad iska taagay arrintaSaldhiga, weli na waa uu ka taagan yahay, Saldhig ma ogolin, dadku na xaq bay u lee yihiin in ay ka hadlaan oo ay ra’yigooda ka dhiibtaansaldhigahaddii ay Somaliland joogaan iyo weli ba haddii ay yihiin dadka reer Somaliland ee dibadda ku nool ba. Shacbigu waxa ay xaq u lee yihiin ay shucuurtooda ku muujiyaan mudaharaad salmi ah oo nabad ah , waxaana u fasaxaaya dastuurka, arrintaasaldhigana waxa aanu u saarnay guddiyo khubaro ah oo saraakiil Milati ah oo aqoonyahan ah oo dhaqaaleyahan ah sida ugu dhakhsiyaha badana warbixin innooga soo diyaarin doona si aynu uga baxno ku tiri ku teen in aynu ku saleyno go’aamaddeena.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Murashax Cirro, waxa uu tilmaamay in wakhtiga munaasibka ah ee ay habboontay ahay sameyn doonaan Mudaharaado Salmi ah oo laga ga soohorjeedosaldhigaMilatariisaga oo carabka ku dhuftay in dadku xaq u lee yihiin in ay dareenkooda muujiyaan, waxaana uu yidhi: "Marka aanu u aragno in ay habboon tahay waanu iclaamin doonaa Mudaharaad, waxaana aanu u soo mari doonaa dariiqa sharcigu baneeyey, wasaaradda arrimaha gudaha ayaana aanu weydiisanaynaa, qolada jaaliyadda Somaliland ee dibaddu na xaq bay u lee yihiin in ay dareenkooda cabiraan, wadamada dibaddu na wadamadeena ayey la mid yihiin, ruqsad baa loo qaataamudaharaadka, markaa shacbiga reer Somaliland ee ku nool Ingiriisku waxa ay ruqsad weydiisteen dawladdaIngiriiska, dawladda Ingiriisku ruqsaddii weysiisay, waxa la sheegayaa inxukuumaddaSomaliland ay lacago badan halkan ka diraysay maalmahii ugu dambeeyey oo ay u dirayso si loo joojiyomudaharaadkaas, waxa ay faafinayaan dacaayado badan oo aan run ahayn, waxaana la sheegayaa in dadka ay Xukuumaddu la xidhiidheyso ay farayso in la daabaco calamada Somaliya iyo ka wadani oo isku dhejisan se waxa aanu lee nahay taasi joojin maysomudaharaadka, dadku namudaharaadkaway dhigayaan, ra’yigooda na way cabirayaan, dareenkooday cabirayaan, waxaana ay doonayaan in ay Somaliland ka badbaadiyaan ciidan shisheeye iyo saldhigMilatari.”.

Guddoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in ay taageerayaanMudaharaadkamaanta ka dhacaayey magaalada London ee laga ga soo horjeedaysaldhigaMilatariee Imaaraadka isaga oo yidhi: "Dhammaanteen waxa aynu taageeraynaamudaharaadkaka dhacaaya London, halkan baana aynu kaga qeyb-galaynaaMudaharaadkaLondon, waxa aanu lee nahaySaldhigaMaya, ciidan shisheeye Maya, waxaanu rabnaa nabad, waxaanu rabnaa xasilooni, Somaliland na ha noolaato.”.

GuddoomiyahaXisbigaWADDANI, waxa kale oo uu ka hadlay sicir-bararka muddooyinkii dambe ka taagnaa dalka isaga ooxukuumaddaku dhaliilay in aanay si toos ah u fulin go’aamaddii ay hore u soo saartay, waxaana uu tilmaamay in ay Xukuumaddu ku fashilantay fulinta go’aamaddaasi isaga oo sida oo kale ugu baaqay in si deg-dag ah suuqa u soo faro-geliso isla mar ahaantaana ay wax ka qabtaan dhibbaatada sicir-bararka iyo sarifka lacagaha qalaad.

"Walaaleyaal waxa aad ka war-qabteen in xukuumaddu tidhi waxa aan soo saarayaa wareegto ay tidhi waxa aan wax kaga qabanayaa sicir bararka, waxa ay xakameysay oo sicir u goysay isku bedelka lacagta dollarka iyo Somaliland, waxa ay ka dhigtay 7000 oo shilling halka Dollar, waana ay fiicnayd in la hirgeliyo oo la fuliyo hase yeeshee waxa soo baxaaya marka aad maanta sidato dollar ee aad sidato shillingka Somaliland 7000 dii kun baa laguu gu sarifayaa ama in ka hooseysa, laakiin haddii aad dollar dooneyso heli maysid oo waxa uu galay suuqyo madow, halkii uu maalintii hore taagnaana waa uu ka sii foggaaday, waxaana aynu arkaynaa in shacbigu arrintaa aad uga muragoodeen uga na cadheysan yihiin in aan sicir bararkii wax laga qaban laakiin se uu sii kordhay, waxaanaxukuumaddaloogga baahan yahay haddii ay go’aan gaadhay in ay fuliso, lacagta sarifka na ay ka saarto suuqa madow oo ay suurto-geliso in marka muwaadinku dollarka doonaya na in uu helo marka uu lacagta Somaliland doonaya na in uu helo, waxaana aanuxukuumaddaugu baaqeynaa in ay arrintaa si dhakhso ah u soo faro-geliso, talaabada ay qaadeyn talaabo fashilan tay bay ahayd oo aan sicir-bararkii waxba ka qabanin.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Dhanka kale na waxa uu guddoomiye Cirro ugu baaqayGolahaGuurtidaSomaliland in ay tixgeliyaan go’aankii ay hore sida wada-jirka ah u soo saareen Xisbiyada, Komishank iyoMadaxweynahaqaranku ee ku aadanaa wakhtiga Doorashada isaga oo uga diray in ay mar kale abuuraan muran siyaasaddeed oo ku saabsan Doorashooyinka.

"Waxa aad dhawaan ka warqabteen Komishanka Doorashooyinka qaranka oo ah hay’adda inoo qaabilsan Doorashooyinka, Axsaabta qaranka iyoMadaxweynahajamhuuriyadda Somaliland ay isla garteen in doorashada Madaxtooyada laga dhigo 10 October 2017 halka doorashada Baarlamaanka iyo Dawladaha hoose na la yidhi October 10keeda 2017, arrintaas waxa loo gudbiyeygolahaGuurtida,GolahaGuurtidana waxa aanu u soo jeedinaynaa in heshiiskaas qaran sida uu yahay lagu ansaxiyo waayo maanta uma baahnin iyada oo heshiis jiro in aynu muran ku bedel no, waxa aynu u baahan nahay in heshiiskaas qaran aynu taageerno, iyaga na odeyaasha iyo dhammaan xildhibbaanadaGolahaGuurtidana waxa aan u rajeynaynaa in ay arrintaas u fuliyaan sida ay tahay, Doorashadii na ay innoo qabsoonto October 10keeda 2017ka.”.Ayuu yidh Cabdiraxmaan Cirro.

 

"KULMIYE, waxa uu bilaabay dhaqan ka soo horjeeda dimuqraadiyadda iyo Xisbi nimada, waxa dhacday maalin dhaweyd gabadhKULMIYEahayd oo tidhi waan ka baxay oo waxaan gelayaa WADDANI, waxa la afduubtay saddexdii habeenimo deedna inantii waxa laga yeeshiiyey Xisbigeygii baan joogayaa, waxa aan lee yahayKULMIYEdhaqankaa xun ha la bedelo oo aniga inankaygu haddii uu doonoKULMIYEayuu tagayaa, markaa dhaqankaasi waa dhaqan aad u xun, waana dhaqan ka soo horjeeda Axsaabta, waa dhaqan ka soo horjeeda dimuqraadiyadda, waa dhaqan cabsi lagu abuurayo shacbiga, waxa aanu lee naya ciddii ka soo horjeeda dimuqraadiyadda ha dhacdo.”.MurashaxaMadaxweynahaWADDANI.


 

 

Halkan kadaawokhudbadda musharraxa Cabdiraxmaan CIRRO.

Afkashacabka
Hargeisa Office