Deg-deg: Jaaliyadda Somaliland ee Canada oo Safaarada Imaaraadka Ee Ottowa u Gudbisay Qoraal Dheer oo ay Kaga Soo Horjeedaan Saldhigga Millatari

0
Thursday March 02, 2017 - 20:12:23 in by salman abdi
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg-deg: Jaaliyadda Somaliland ee Canada oo Safaarada Imaaraadka Ee Ottowa u Gudbisay Qoraal Dheer oo ay Kaga Soo Horjeedaan Saldhigga Millatari

    Jaaliyadda Somaliland eek u dhaqan wadanka Canada, ayaa maanta safaaradda Imaaraadka carabta ee ku taalla Magaalada Ottowa, waxay u gudbiyeen qoraal dheer oo ay ku faahfaahiyeen sida ay uga soo horjeedaan in dawladda Imaaraadku saldhig millatari oo l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaaliyadda Somaliland eek u dhaqan wadanka Canada, ayaa maanta safaaradda Imaaraadka carabta ee ku taalla Magaalada Ottowa, waxay u gudbiyeen qoraal dheer oo ay ku faahfaahiyeen sida ay uga soo horjeedaan in dawladda Imaaraadku saldhig millatari oo lagaga duulo dalka Yemen ka sameysato magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Xubno ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee Ottowa, ayaa shabakadda Hadhwanaagnews, maanta u xaqiijiyay inay qoraal toban bog ka koobnaa oo dacwad ah isla markaana ay ku sharraxeen siday uga soo horjeedaan saldhigaas waxay u gudbiyeen safaarada UAE ee magaalada Ottawa.

Jaaliyadu waxay qoraalkooda ku sheegeen in shacbiga Somaliland aanay ogolayn in saldhig millatari laga yagleelo dalkooda oo aanay


caqli gal ahayn in xullafada isu bahaystay dagaalka Yemen ee Sucuudigu horkacayaa ay Somaliland ka weeraraan wadanka Yemen oo laar kala ah dhinaca marin-biyoodka.

 

 

Jaaliyadda Canada waxay sheegeen in qoraalkaas diblomaasiyiinta Imaaraadku ka qabteen. Waxaanay jaaliyaddu intaas ku dartay in cimilada qabow darteed aanay suurtogal u ahayn inay bannaan-bax dhigaan, hase ahaatee ay ku guulaysteen inay qoraal dareenkooda ka turjumaya oo dacwad ah ay u gudbiyeen oo ay ugu baaqeen inay ka noqdaan heshiiskaas oo xukuumadda Siilaanyo aanay ka baaraan-degin oo ay qalinka ku duugtay hubsiimo la’aan.