Fernando Torres Oo Ka Soo Baxay Cusbitalka Ka Dib Halistii Ay Naftiisa Gashay Kulankii Xalayto

0
Friday March 03, 2017 - 13:42:42 in by Burco Office
  • Visits: 1031
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fernando Torres Oo Ka Soo Baxay Cusbitalka Ka Dib Halistii Ay Naftiisa Gashay Kulankii Xalayto

    Ka dib markii ay jug xoogan madaxa ka soo gaartay intii uu socday kulankii ay Atletico Madrid barbaraha 1-1 la gashay Deportivo La Coruna, Fernando Torres ayaa laga saaray cusbitaalka haatan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib markii ay jug xoogan madaxa ka soo gaartay intii uu socday kulankii ay Atletico Madrid barbaraha 1-1 la gashay Deportivo La Coruna, Fernando Torres ayaa laga saaray cusbitaalka haatan.


Torres oo bedel lagu soo geliyay qeybtii labaad ayaa si xun dhulka madaxa ugu dhufsaday isagoo miirdaboolmay iyadoo xiddigaha kooxdiisa ay u soo kala carareen inay ka badbaadiyaan inuusan carabkiisa dib u liqin taasoo dhacda marka madaxa ay jug xoogan gaarto.

Kooxda Atletico Madrid ayaa goordhaweyd bogooda Twitter soo dhigay qoraal ay ku xaqiijinayaan in Torres uu ka soo baxay cusbitaalka ka dib markii uu xalay halkaas seexday iyadoo baaritaanadii lagu sameeyay ay dhamaantood tilmaamayeen inaysan dhib weyn soo gaarin madaxa iyo laf dhabarta.

View image on Twitter

¡Gran noticia! Fernando@Torresya tiene el alta médica y ha salido del hospital:https://goo.gl/WfufZ3

 

Torres oo u soo ciyaaray Liverpool iyo Chelsea horyaalka Premier League ayaa dhaliyay goolkii guusha ay Spain ku qaaday Euro 2008 finalkii ay la ciyaarayeen Germany, waxaana uu xalayto xilli danbe Twitter ku soo qoray inuu xilli dhow garoomada ku soo laaban doono.

"Aad ayaad ugu mahadsan tihiin sida aad iiga walwasheen, waana ku mahadsan tihiin fariimaha dhiirogelinta ah.

"Kaliya waxa ay aheyd cabsi. Waxaan rajeynayaa inaan dhawaan soo laabto!”