Man United Oo Lacag Ku Siineysa Wayne Rooney Inuu Baxo – Xitaa Waxay Ogol Yihiin Inuu Si Bilaash Ah Ugu Biiro Koox Kale Oo Ingariis Ah.

0
Friday March 03, 2017 - 13:48:30 in by Burco Office
  • Visits: 977
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United Oo Lacag Ku Siineysa Wayne Rooney Inuu Baxo – Xitaa Waxay Ogol Yihiin Inuu Si Bilaash Ah Ugu Biiro Koox Kale Oo Ingariis Ah.

    Manchester United ayaa diyaar u ah inay Wayne Rooney siiso lacag magdhow ah islamarkaana u ogolaato inuu koox kale oo Ingariis ah uu si xor ah ugu biiro sida ay qortay jariirada The Sun.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa diyaar u ah inay Wayne Rooney siiso lacag magdhow ah islamarkaana u ogolaato inuu koox kale oo Ingariis ah uu si xor ah ugu biiro sida ay qortay jariirada The Sun.


Qandaraaska Rooney ee Manchester United ayaa dhacaya xagaaga 2019 laakiin United ayaa u ogolaan doonta inuu ka dhaqaaqo qandaraaskiisa.

Waxa ay xitaa diyaar u yihiin inay lacag magdhow ah ka siiyaan mushaharka inta u hartay qandaraaskiisa isagoo qaata isbuucii 250 kun ginni si uu u baxo.

Weeraryahanka oo 31 sanno jir ah ayaa markaas noqon doona ciyaaryahan xor ah, iyadoo Man United aysan wax xadidaad ah ku soo rogi doonin inuu ku biiro koox ay ku xafiiltamaan Premier League.

Tababaraha Everton Ronaldo Koeman ayaa qirtay isbuucaan inuu jeclaan lahaa inuu la soo wareego kabtanka England iyadoo halyeeyga Everton Duncan Ferguson uu ka shaqeynayo sidii uu Rooney ugu soo celin lahaa Goodison Park.

Isagoo iska diiday heshiis qaali ah oo uu bishii la soo dhaafay ugu wareegi lahaa Shiinaha, Rooney ayaa fasaxa uu ka helayo United waxa uu u adeegsan karaa inuu ku laabto kooxdiisii hore ee uu ku soo baxay.

United ayaa kalsooni xoogan ku qabta saxiixa weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann xagaagan.

Rooney oo weli doonaya inuu sii wato waayihiisa ciyaareed ee xulka England ayaana ka warqaba inay taasi sii yareyn doonto waqtigiisa garoonka.

Tababaraha United Jose Mourinho ayaa u sheegay Rooney inuu joogi karo Old Trafford laakiin uusan u balanqaadi karin ilaa iyo inta uu ciyaarayo.