Heshiisyadda Jujuubka Ah Ee Xukuumaddu Saamayn Maku Yeelan Karraan Mustaqbalka Hoggaaminneed Muuse Biixi Iyo Xisbiga KULMIYE Faallo

0
Sunday March 05, 2017 - 09:07:26 in by Burco Office
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiisyadda Jujuubka Ah Ee Xukuumaddu Saamayn Maku Yeelan Karraan Mustaqbalka Hoggaaminneed Muuse Biixi Iyo Xisbiga KULMIYE Faallo

    Inta badan Heshiisyadda Xukuumaddu gasho waa kuwo rayul-caamka ka dhex abuurra khilaaf iyo dooddo aad loogu kala fog yahay, kuwaasoo dalka ku furra mawjaddo siyaasaddeed oo aad u qalafsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan Heshiisyadda Xukuumaddu gasho waa kuwo rayul-caamka ka dhex abuurra khilaaf iyo dooddo aad loogu kala fog yahay, kuwaasoo dalka ku furra mawjaddo siyaasaddeed oo aad u qalafsan.


Toddoba sannadood oo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay shookaanta ku haysay talada qarankan, waxaan shaki ku jirin oo marag ma doon ah inay xaaladdo badan soo waajaheen, kuwaasoo ay ugu waa wayn yihiin Heshiisyadda qoor qabadka ah ee Xukuumaddu awoodda Ciiddan iyo mida dhaqaale u adeegsadday hirgelintoodda, iyaddoo ay bulshadduna dhammaan tallaabooyinkaas si cad uga fal celiyeen oo darreeno middaysan iyo quluub is ogol ku diiddeen Heshiisyadda sharci-daradda ah ee ay sidii Magafayaasha u Tahriibinnayeen Wiilka uu soddoga u yahay Madaxweynaha Somaliland ee Baashe Moorgan iyo

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo si bilaa tudhaale ah ugu mamay meelkasta oo ay u arkaan inuu dhaqaale buurrani ka soo geli karro.

Magafayaashani waxay isticmaalaan xeeladdo aan farshaxan badani ka muuqan markay ummadda dhacayaan ee ay ku fooggan yihiin Mashruuc ay dhaqaale badan ka helayaan, tallaabooyinka ay adeegsaddaan waxa ugu mudan oo ay shacabka tusaan in arrintani tahay Siyaasaddii Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Siilaanyo, waxaannay abaabullaan shaqsiyaad kooban oo dooddaa la xoojiya si ay Murraadkoodda u gaadhaan, hase yeeshee iswaydiintu waxay tahay nimankani ma doonnayaan mustaqbal siyaasaddeed oo danbe? Maku shaqeeyaan aragti Xisbiyeed oo ma darreensan yihiin tartanka uu isu diyaarrinnaayo Murashaxa Xisbiga talada haya ee KULMIYE ahna guddoomiyaha Xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi.

Waxaan shaki ku jirin in Himilladda, rajadda iyo yoolka siyaasaddeed ee Xisbiga KULMIYE iyo Muuse Biixi Cabdi ay ku xidhan tahay hadba sida u bulshadda u kasbaddaan Xukuumadda uu hoggaankeedda hayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo, inkastoo ay jiraan Niman Wasiirro ah oo ay Madaxweynahana isku beel ka soo jeeddaan iyo Beel si guud markaad eegto khalad iyo sax-ba ku taageersan Xukuumadda oo xitaa haddii uu jiro khalad wayn oo bulshadda u wada muuqdaa Wasiirrada magafayaaha ah ee uu ugu horreeyo Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Baashe Moorgan iyo inta badan beesha Habarjeclo ay taageeraan gar iyo gardaraba midkuu doonno ha noqdee.

Akhriste qormaddani kuma socoto mawduucaas Madaxweynaha iyo taageeradda beeshiisa, balse waxay isku dayaysaa inay iftiimiyo saamaynta taban ee Heshiisyadda jujuubka ah ee Saldhiga Milatari iyo DP World uu ku yeelan karro Mustaqbalka Xisbiga KULMIYE iyo Hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi ahna Murashaxa isku diyaarrinnaayo Doorashooyinka madaxtinnimo ee soo socda, iyaddoo laga duullaayo dhammaan-ba tallaabooyinkii guracnaa ee Xukuumaddani dalka ku hoggaamisay mudadii ay talada dalka gacanta ku haysay, waxaanna la iswaydiinnayaa ficilladaasi ma yihiin kuwo dariiqa u sii xaadhi karra mustaqbalka siyaasaddeed ee Muuse Biixi Cabdi? ma yihiin kuwo lagu tannaaday oo ummaddu kaga fal-celinayso in mar kale ay Masiirkoodda u caleemo-saaraan Xisbiga KULMIYE amaba Murashax Mujaahid Muuse Biixi Cabdi? Mise waa mid curyaaminnaaya oo sidaa loo qorsheeyay, iyaddoo ay bulshadda Somaliland shiishka ku hayso sammaan iyo xummaan midka ay hoggaamintoodu ku dhammaato,hase-yeeshee taas waxa la kala ogaan doonnaa maalinta codbixinta go'aanka Shacbigu kaga darreen celiyo shaqaddii iyo hoggaamintii Madaxweyne Siilaanyo. Aragtidda su’aalahaas iyo ka jawaabiddooda waxaan u dhaafayaa ummadda Somaliland meelkastaba ha joogeenne.


Hargaysa,Somaliland