"Bixinta Saldhiga Milatari Iyo Dekada Berbera Waxa Ka Faa,Idaya Uun Labada Shakhsi Ee Maxamud Xaashi Iyo Baashe Morgan" Aqoonyahan Yaasin Xiis

0
Monday March 06, 2017 - 15:43:17 in by salman abdi
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Bixinta Saldhiga Milatari Iyo Dekada Berbera Waxa Ka Faa,Idaya Uun Labada Shakhsi Ee Maxamud Xaashi Iyo Baashe Morgan" Aqoonyahan Yaasin Xiis

    Aqoonyahan Yaasin Xiis Axmed Wiite Oo Ka Mida Aqoonyahanka Gobolka Togdheer,Kana Falooda Siyasada Iyo Xaalada Dalka Oo Maanta Shir Jaraa,id Ku Qabtay Gudaha Magalada Burco Ayaa Si Adag u Dhaliilay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamud Xaash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqoonyahan Yaasin Xiis Axmed Wiite Oo Ka Mida Aqoonyahanka Gobolka Togdheer,Kana Falooda Siyasada Iyo Xaalada Dalka Oo Maanta Shir Jaraa,id Ku Qabtay Gudaha Magalada Burco Ayaa Si Adag u Dhaliilay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamud Xaashi Iyo Wakiilka Somaliland U Fadhiya Wadanka Imaraadka Ee Baashe Cawil Oo Loo Qayaan Morgan

.

Aqoonyahanka Ayaa Ku Eedayay Labadan Masuul Inay Ibsadeen Hantidii Umada,Kuna Sheegay Inay Kumanaan Qoys Oo Ka Mida Shacabka Somaliland Ka Dorbideen Danahooda Gaarka ,Taasina Sababtay Inay Daano Gaar Ugu Jiraan Bixinta Saldhiga Milatari Iyo Dekada Berbera.

Aqoonyahanka Ayaa Hadalkiisa Ku Bilaabay Sidan”Waxaan Doonayaa Inaan Ka Hadlo Xaaladda Guud Ee Dalka Ka Socanaayay Sanadihii Udanbeeyay Ama Bilihii UDanbeeyay Ay Ka Kow Ka Tahay Saldhiga Milatari Ee Barbera,Waxaan Leeyahay Saldhig Milatari Uma Bahnin Hada Ee Waxaan U Banahay In Dalka Laga Sameeyo Celel Biyood,Loogana Faa,idayo Dadka Ay Abaaruhu Saamayeen”Ayuu Yidhi Aqoonyahanku

Aqoonyahan Yaasin Ayaa Sheegay In Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Iyo Wakiilka Somaliland U Fadhiya Wadanka Imaradka Ay Kaligood Dano Gaara Ugu Jirto Bixinta Saldhiga Milatari Waxana U Idhi” Hadii Aan Taas Ka Sii Socdo Saldhigani Milatari Waxa Uu Faa,ido U Yahay Laba Shakhsi Waa Baashe Iyo Maxamuude,Labadaasi Oo Qudha Oo Ka Faa,ido Doona Dalkeenu Maanta Uma Baahna Ciidan Iyo Milatari Lasoo Tubo Dalkeena Waxa Kaliya Ee U Bahanyahay In Laga Gaadho Macluusha Saamaysay Dadka”Ayu Yidhi Yaasin.

Aqoonyahan Yaasin Ayaa Ka Hadlay Shaqo La,aanta Ka Jirta Dalka ,Sidoo Kalena Saluugay Hananka Loo Wado Shidaal Baashista Gobolada Bariga Oo Ku Tilmaamay Mid Loo Xidhay Dad Gaar Ah.Waxana U Yidhi” Hadii Aan Uga Siisocdo Shaqo La,aanta Baahsan Ee Haysato Dhalinyarada ,Waxaynu Ogsoonahay In Dalka Laga Bilaabay Mashruuc La Yidhaahdo Shidaal Qodis Waxa Lagu Saameeyay Hab Qabiil Ah Iyada Oo reerihi Badankoodi Laga Reebay,Cid Gaar Ahna Loo Sadbursiiyay Waxaan Leenahay Dhalinyarada Halooga Faa,ideeyo Waxyaabaha Dalka Ka Soconaya Ama Mashaaric Hanaqoto,Ama Fa,idooyin Kale Hanaqoto "Ayuu Yidhi


Ugu Danbayntii Waxa Uu Hadlkiisa Ku soo Afmeeyay Aqoonyahan Yaasin Shaqaale Gaadhaya Saddax Boqol Oo Qof Oo Laga eeryay Dekada Berbera Waxana U Yidhi”Dekada Berbera Ee Aynu Ogayn In Lagu Wareejiyay Shirkada Laga Leeyahay Dubai Ee Dp Wold Abaaraha Jira Ee Ay Nu Ognahay Waxa Saddax Boqol Oo Qof Oo Qudinayay Min Shan Qof, Abaaraha Aynu Ognahay Looga Saaray Dekeda Lana Dhigay Banaanka Yaa U Maqan Waxa Weeeyaan Shakhsiyaadka Sida Gaar Ka Ah U Watay Ee Maxamud Xaashi Iyo Baashe Cawil Waxay Sababeen In Saddax Boqo Oo Qof Qoys Ay Noqdaan Bilaa Shaqo Iyaga Oo Mid Kasta Quudanayay Shan Qof Oo Kale.”Ayuu Ku Soo Afmeeray Hadalkiisa



Burco/Office