Khilaaf Mar Kale Ka Dhex Qarxay Wasiir Sacad Cali Shire Iyo Xukumada U Ka Tirsan Yahay.

0
Monday March 06, 2017 - 15:44:06 in by salman abdi
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Mar Kale Ka Dhex Qarxay Wasiir Sacad Cali Shire Iyo Xukumada U Ka Tirsan Yahay.

    Waxaa Halkiisii Lagu Bedelay Maxamed Mixille Boqorre, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Kadib markii uu dhawaan wasiirka arrimaha dibaddu Sacad Cali Shire cadeeyey mawqifkiisa ku aadan mudaaharaadkii London ayaa ay u muuqataa in mar kale mad-madaw

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Halkiisii Lagu Bedelay Maxamed Mixille Boqorre, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Kadib markii uu dhawaan wasiirka arrimaha dibaddu Sacad Cali Shire cadeeyey mawqifkiisa ku aadan mudaaharaadkii London ayaa ay u muuqataa in mar kale mad-madaw soo kala dhex galay xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo isaga.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Isniinta maanta ay Dubai bixi doonaan wafti wasiirro ah oo xoojin doona waftigii wasiirada ahaa ee hore u joogay dalka Imaaraadka. Waftigan ayaa sida la sheegay waxaa hogaamin doona wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaana ay wararku intaas ku darayaan in gabi ahaanba waftiga Imaaraadka u baxaya laga reebay wasiirka arrimaha dibadda Sacad Cali Shire halkiisiina lagu bedelay wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda Maxamed Mixille Boqorre.
 



Wasiir Sacad ayaa dhawaan sheegay inay muwaadiniintu xaq u leeyiin inay dareenkooda mudaaharaad ku muujiyaan waxaana hadalkaas si wayn uga biyo diiday wasiirrada xukuumadda kuwooda ugu tunka wayn iyo madaxtooyada oo iyagu mudaaharaadkan ku xidhiidhinayay xukuumadda Muqdisho iyo Farmaajo. Maaha markii koowaad ee uu wasiir Sacad gooni ka noqdo xukuumadda, waxaana xusid mudan in dhawr jeer oo hore xurgufi dhex martay Sacad Cali Shire iyo Xukuumadda, iyadoo mararka qaar ay gaadhay inuu is-casilaad maago, halka ay madaxtooyaduna qorshaysay inay xilka ka tiriso.