Hargaysa:Guddida Dacwadaha Iyo Anshaxa Ee Xidhiidhka Kubada Cagta Oo Ganaaxyo Iyo Digniino Dul Dhigay Ciyaartooyo Ka Mid Ah Kooxaha Heerka Koowaad

0
Monday March 06, 2017 - 16:24:59 in by salman abdi
  • Visits: 584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Guddida Dacwadaha Iyo Anshaxa Ee Xidhiidhka Kubada Cagta Oo Ganaaxyo Iyo Digniino Dul Dhigay Ciyaartooyo Ka Mid Ah Kooxaha Heerka Koowaad

    Guddida Dacwadaha iyo anshaxa ee xidhiidhka kubada cagta somaliland ayaa soo daaray ganaaxyo iyo digniino ay dul dhigeen ciyaartooyo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee tartanku ugu socdo magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Dacwadaha iyo anshaxa ee xidhiidhka kubada cagta somaliland ayaa soo daaray ganaaxyo iyo digniino ay dul dhigeen ciyaartooyo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee tartanku ugu socdo magaalada Hargeysa.


Guddidan oo maanta ku dhawaaqday go,aanka ay ku soo saareen ganaaxyada iyo digniinaha ayaa go,aankoodu u dhignaa sidan

Qoddobada go’aanka laga soo saaray iyo ganaaxa kama-dameysta ahi waa kuwan hoos ku qoran:

Kadib markii ciyaartoyga numberka 5-aad xidha kooxda kubadda cagta Goodir ee lagu magacaabo Liibaan Colaad (Gatuso) kulamadii uu kooxdiisa u ciyaaray markii dib loo daawaday (Replay) uu la imanayay khiyaamo hoose oo aanay arkaynin garsoorayaashii, waxaana uu si hoose u muuqaal ahaan wax feedh ama laag u muuqday uu kula kacayey ciyaartoydii ka soo horjeeday wallow aanay si toos ah u muuqanayn inuu ficilka uu sameynayay uu waxyeelo gaadhsiinayey ciyaartoyda.

 

Kadib markii ciyaartoyga numberka 10-aad u xidha kooxda Asluubta ee lagu magacaabo Ibraahim (Messi) laba kaadh oo huruud ah uu garsooruhu siiyey, kadib markii ciyaarta dhexdeeda lagu siiyey, markii la soo bedalayna isaga oo kursiga keydka ah fadhiya kaadhka labaad la siiyey kadib markii uu miiska bedalka uu hadalo cabasho garsoorka ah u muujiyey isaga oo soo kacay.

Kadib markii tababaraha kooxda Maaliyadda ee lagu magacaabo Keyse Daahir kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisu ciyaartay garoonka laga saaray markii uu garsooruhu u taagay kaadhka cas.

Kadib markii ciyaartoyga numberka 9-aad u xidha kooxda Gaashaan ee lagu magacaabo Mustafe Saleebaan (Messi) uu garsooruhu kaadhka cas uu siiyey kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisu ciyaarta markii uu feedh ku dhuftay ciyaartoygii ka soo horjeeday.

Kadib markii khalad ka yimid garsoorihii 4-aad ee kulankii u dhaxeeyay kooxaha Gaashaan iyo Wasaaradda Qorsheynta uu garsoorihii ciyaartu uu kaadhka cas u taagay laba ciyaartoy oo ka tirsan kooxda Gaashaan, maadaama uu garsooruhu u qaatay inay amar la’aan ku soo galeen garoonka.

Kadib markii garsoore Maxamed Xasan uu khalad sameeyay kulankii u dhaxeeyay kooxaha Gaashaan iyo Qorsheynta, taas oo la wada arkaayey kadib markii uu isku-bedal ciyaartoy uu sameeyay isaga oo aan amar ka haysan garsoorihii koowaad ee ciyaarta.

Go’aanka Guddida:

Guddida Dacwadaha iyo Anshaxu waxay qoddobada kor ku xusan ka soo saareen go’aanadan oo kala ah:

Ciyaartoyga numberka 5-aad xidha kooxda kubadda cagta Goodir ee lagu magacaabo Liibaan (Gatuso) uu ku dhacay digniin kama-dambeys ah, oo haddii mardambe uu talabadaas uu qaaday ee kor ku xusan uu la yimaado uu iman doono ganaax culus.

Ciyaartoyga numberka 10-aad u xidha kooxda Asluubta ee lagu magacaabo Ibraahim (Messi) oo laba kaadh oo huruud ah la siiyey, waxa uu kooxdiisa ka maqnaan doonaa kulanka ugu soo horeeya ee ay wada ciyaari doonaan Salaasada kooxda Gaashaan.

Tababaraha kooxda Maaliyadda ee lagu magacaabo Keyse Daahir wuxuu hogaamin doona kooxdiisa kulanka ay la ciyaarayso Isniinta kooxda Wasaaradda Ganacsiga.

Ciyaartoyga numberka 9-aad u xidha kooxda Gaashaan ee lagu magacaabo Mustafe Saleebaan (Messi) uu garsooruhu kaadhka cas uu siiyey wuxuu maqnaanaya oo keliya kulanka 3-aad ee kooxdiisu la ciyaarayso Salaasada kooxda Asluubta.

Kadib khaladkii ka yimid garsoorihii 4-aad ee kulankii u dhaxeeyay kooxaha Gaashaan iyo Wasaaradda Qorsheynta waxaa la laalay (Waxba kama jiraan) laga soo qaaday labadii kaadh ee Huruuda ahaa ee la siiyey laba ciyaartoy oo ka tirsan kooxda Gaashaan.

Garsoore Maxamed Xasan oo ahaa garsoorihii 4-aad ee kulankii u dhaxeeyay kooxaha Gaashaan iyo Qorsheynta kadib khaladkii muuqday ee uu sameeyay, Guddida Dacwadaha iyo Anshaxu markii ay garwaaqsadeen in masuuliyaddii saarneyd uu uga soo bixi waayey sidii loogu tallo-galay ay dul-dhigeen ganaax, kaas oo tartanka inta ka dhimman aanu guud ahaanba hawl-galeyn (Shaqeynayn)

Guddida Dacwadaha iyo Anshaxa:

Axmed Maxamed Shire (Sacad) – (Guddoomiye) …………………………………

Cismaan Madar Samatar (Shiine) – Guddoomiye Xigeen ………………………..

Axmed Maxumed Xirsi (Ina Biyoole) – Xoghaye …………………………………..