Ra'iisalwasaraha wadanka somaliya ayaa ka hadlay dilka toogasho ee loo gaystay xildhibaanka somaliya tacsi u diray qoyska iyo ehelkii uu ka baxay

0
Thursday July 03, 2014 - 14:05:35 in by Hargeysa Office
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisalwasaraha wadanka somaliya ayaa ka hadlay dilka toogasho ee loo gaystay xildhibaanka somaliya tacsi u diray qoyska iyo ehelkii uu ka baxay

    Ra'iisalwasaraha wadanka somaliya cabdiweli sheikh axmed ayaa tacsideeyey dilkii loo gaystay alle ha u naxariistee xildhibaan maxamed maxamuud (xayd) oo kooxo hubaysan ay ku dileen deg. Xamar weyne xili uu la socday gaadhigiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisalwasaraha wadanka somaliya cabdiweli sheikh axmed ayaa tacsideeyey dilkii loo gaystay alle ha u naxariistee xildhibaan maxamed maxamuud (xayd) oo kooxo hubaysan ay ku dileen deg. Xamar weyne xili uu la socday gaadhigiisa

Ra’iisalwasaraha wadanka somaliya cabdiweli sheikh axmed ayaa tacsideeyey dilkii loo gaystay alle ha u naxariistee xildhibaan maxamed maxamuud (xayd) oo kooxo hubaysan ay ku dileen deg. Xamar weyne xili uu la socday gaadhigiisa

 

War Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaraha wadanka somaliya ayaa loogu tacsideeyey qoyskii,ehelkii,qaraabadii ,asxaabtii,xildhibaanada iyo qaranka uu ka baxay xildhibaanku isagoo illaahay uga baryey inuu janadii fardawsa ka waraabiyo

"waxaan si tiiraanyo leh uga tacsidaynayaa dilka xildhibaan maxamed maxamuud (Xayd) oo manta gacan ka xaqdarani ku dishay magalada muqdisho waxaan illaahay uga baryayaa inuu janadii ka waraabiyo Samir iyo iimaana ka siiyo Qoyskii iyo ehelkii uu ka tagay,xildhibaanku waxa uu taariikh dheer ku lahaa dhismaha dowladnimada somaliya ayuu yidhi ra’iisalwasaare cabdiweli sheekh

 

Sidoo kale ra’iisalwasaraha wadanka somaliya ayaa si adag u canbaareeyey falkan lagula kacay ee lagu dilay xildhibaanka isaga oo ku tilmaamaymid ka baxsan Qiyamka iyo dhaqanka Diinta islaamka Waxaana uu weerarkani uu ugu yeedhay wax uu ku sheegay bahalnimo aan qiil lahayn waxaana uu raysal wasaruhu u balan qaaday in somaliya uu ka guulaysan doono cadawgiisa

"waxaan sii xoojin doonnaa tallaabooyinka aanu ku beeg sanayno danbiilayaasha caadaystay daadinta dhiiga dadkeena sharafta leh xiligan aan ku jirno bisha barakaysan ee Ramadan waxaan ugu baaqaya waaxaha Amniga ee arintan baadhitaanka ku wada inay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigaan kuwii gaystay falkan foosha xun,isla markaana la horgeeyo cadalada ayuu yidhi ra’iisalwasare cabdiweli sheekh axmed”

Dableyda hubaysan ee dilay xildhibaanka ayaa watay gaadhi iyagoo xildhibaanka iyo xildhibaano kale ooo badbaaday ka soo raacay hotel ay ka degenaayeen Xamar weyne waxaana markii ay ku sii dhawaayeen dhabarka hotelka central oo ku dhaw suuqa xamar weyne lagu furay rasaas taasi oo sababtay dhimashada xildhibaanka

Geesta kale kulan uu manta yeelan lahaa baarlamaanka federaalka somaliya ayaa u baaqday dilka xildhibaankan isagoo xildhibaan maxamed maxamud (xayd)uu noqonaayo xildhibaanii ugu horeeyey ee la dilo intay bilatay bisha barakaysan ee Ramadan


Contact@afkashacabka.com