Trump FBI-da kalama hadlin sheegashada in la dhagaystay taleefoonadiisa

0
Wednesday March 08, 2017 - 09:30:44 in by salman abdi
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump FBI-da kalama hadlin sheegashada in la dhagaystay taleefoonadiisa

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kalama uusan hadlin waaxda sirdoonka Maraykanka ee FBI, eedaymaha sheegaya in madaxweynihii uu badalay uu la socon jiray taleefoonadiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kalama uusan hadlin waaxda sirdoonka Maraykanka ee FBI, eedaymaha sheegaya in madaxweynihii uu badalay uu la socon jiray taleefoonadiisa.

Trump ayaa Sabtidii ku eedeeyay madaxweyne Obama in uu amray in si qarsoodi ah loola socdo dhismaha Trump ee magaalada New York intii lagu guda jiray ol'olaha doorashada, balse wax caddayn ah ma uusan soo raacinin.

Madaxda waaxda sirdoonka ee FBI-da James Comey ayaa lagu soo waramayaa in uu diiday eedaymahaas, mid ka mid an warbixinadaas ayaa sheegtay in uu yiri waa "wax aan la rumaysan karin".

Mr Trump called Mr Obama a Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionTrump oo barta Twitterkiisa ku soo qoray qoraallo badan

Laakiin Sean Spicer oo ah afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa Arbacadii sheegay in madaxweynuhu uusan wali kala hadlin arrimahaas.

Sida "ugu quruxsan" ee arrintan loo wajihi karo waa in Congressku uu sii ballaariyo baaritaannada uu hadda wado uuna ku kordhiyo arrintan, ayuu hadalka sii raaciyay.

Madaxa sirdoonka ayaa waaxda Cadaaladda ee dalka Maraykanka ka codsaday in ay dadka u sheegto in arrintan aysan waxba ka jirin, sida ay ku warrameen New York Times iyo NBC.

Wuxuu sheegay in uu arrintan u dalbanayo maadaama oo FBI-da lagu eedeeyay in ay jabisay sharciga, Waaxda Caddaaladuna aysan wali ka hadlin.