Dadka sharcidarrada ku gala Maraykanka oo hoos u dhacay.

0
Thursday March 09, 2017 - 13:07:48 in by salman abdi
  • Visits: 608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka sharcidarrada ku gala Maraykanka oo hoos u dhacay.

    Dadka isku dayaya in ay sharcidarro ku galaan gudaha dalka Maraykanka ayaa u muuqda in ay hoos u dhaceen todobaadyadii u horeeyay ee madaxtinimada Donald Trump.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka isku dayaya in ay sharcidarro ku galaan gudaha dalka Maraykanka ayaa u muuqda in ay hoos u dhaceen todobaadyadii u horeeyay ee madaxtinimada Donald Trump.

Wasiirka amniga gudaha ee dalka Maraykanka John Kelly ayaa sheegay in dadkii sharcidarrada ku soo galayay ee xadka Maksiko lagu xiray bishii Feevaraayo ay ka yaryihiin boqolkiiba afartan kuwii la xiray bishii Janaayo.

Kelly wuxuu sheegay in ay saamayn yeelan karto in dadka loo sheego cawaaqib xun uu ka dhalan karo in ay sharcidarro ku soo galaan dalka Maraykanka.

Dhanka kalana gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka ayaa noqday midkii u horeeyay ee talaabo dhanka sharciga ah la tiigsada sharciga dib loo soo qaabeeyay ee mamnuucitaanka socdaalka.

Garsoore jooga Honolulu ayaa 15 Maarso u qabtay maalinta la dhagaysanayo dacwadda laga soo gudbiyay amarkan cusub, waana maalin uun ka hor marka uu dhaqan gali doono go'aankaasi oo dadka lix dal oo Muslimiin ah ka mamnuuci doona in ay u socdaalaan dalka Maraykanka.


 

Xigasho/BBC Somali