Xiisad Shan Geesood Ah Oo U Dhaxaysa, Maraykanka, Shiinaha, Japan Iyo Labada Kuuriya Oo Ka Taagan Aasiya

0
Friday March 10, 2017 - 11:49:10 in by salman abdi
  • Visits: 747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad Shan Geesood Ah Oo U Dhaxaysa, Maraykanka, Shiinaha, Japan Iyo Labada Kuuriya Oo Ka Taagan Aasiya

    Mareykankaa ayaa diiday soojeedinta Shiinaha ee ah in Woqooyiga Kuuriya ay joojiso tijaabada gantaalada Nukliyerka, taasi bedelkeedana Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay joojiyaan dhaqdhaqaaqa ciidan ee gobolka ay ka wadaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykankaa ayaa diiday soojeedinta Shiinaha ee ah in Woqooyiga Kuuriya ay joojiso tijaabada gantaalada Nukliyerka, taasi bedelkeedana Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay joojiyaan dhaqdhaqaaqa ciidan ee gobolka ay ka wadaan.


Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in "heshiiska noocaas ah uusan macno lahayn”.
Sidoo kale, safiirka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobey waxay sheegtay in Kuuriyada Woqooyi ay tahay dal "aan dhameystirneyn”.
Talada Shiinaha ayaa timi ka dib markii Woqooyiga Kuuriya ay tijaabisay afar gantaal oo "xadgudub ku ah cunna qabateynta caaalamiga ah ee saaran”.
Dhanka kale, Mareykanka wuxuu billaabay inuu gantaallada difaaca ah u daadgureeyo Kuuriyada Koonfureed.

_95048165_mediaitem95048163

Wuxuu sidoo kale billaabay dhoolatus uu la sameynayo militariga Kuuriyada Koonfureed, taas oo sida caadiga ah ka cadheysiisa xukuumadda Pyongyang.Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi wuxuu sheegay in dhanka Mareykanka iyo Koonfurta Kuuriya laga doonayo inay joojiyaan dhoolatuska sanadlaha ah ee ciidamadooda si wadajirka ah ugu qabtaan.
Wang Yi wuxuu sheegay in gacanka Kuuriya "ay ku socdaan laba tareen oo xawaare dheereynaya, oo hadda u socdo inay isku dhacaan, oo hadana midkoodna uusan dooneyn inuu dhinac u leexdo”.
"Ma waxay u socdaan labada dhinac inay dagallamaan?” ayuu yidhi wasiirku.
Waa in tallaabada koobaad noqotaa joojinta howlaha militariga, lana dejiyo xiisadda taagan si loo billaabo wadahadallo, ayuu sheegay wasiirka.
Balse, afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka Mark Toner ayaa hadalka Shiinaha ku tilmaamay isbarbardhigga "Tufaaxa iyo liinta”.
"Waxaan sameyneyno ee ah wada shaqeynta militariga ee Kuuriyada koonfureed ma ahan arrin la barbardhigi karo txigelin darada Kuuriyada Woqooyi ee xeerarka caalamiga ah”, ayuu yidhi.
Balse wuxuu sheegay in Mareykanka uu eegayo istiraatiijiyado cusub oo ku wajahan Kuuriyada Woqooyi.
Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey wuxuu qabtay kullan degdeg ah wuxuuna si aan horey looga baran u cambaareeyay tijaabada Kuuriyada Woqooyi ay sameysay.
Waxay maamulka Pyongyang ku eedeyeen dhaqamo xasilloonida darada ee sii kordhaya taas oo dhalisay halis ka dhex abuuranta militariga gobolka.
Safiirka Mareykanka u qaabilsan UN, Nikki Haley waxay saxafiyiinta u sheegtay in "Fursadaha oo dhan ay miiska saaran yihiin” kuwaas oo ku wajahan Kuuriyada Woqooyi.
Balse, waxay tilmaamtay in dunida "aysan la macaamileyn qof aan dhameystirneyn”, waxay sidaas sheegtay mar ay ka hadleysay hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un.
"Waa wax aanan la aamini karin, waa mas’uuliyad daro doqonnimo iyo kibir ah, in aan aragno Kim Jong-un oo isa soo bandhigaya”, ayey hadalkeeda ku dartay.
Balse, Shiinaha ayaa ka cadheysan qalabka difaaca madaafiicda ee Mareykanka uu gobolkaasi geeyay.
Xukuumadda Biejing waxay aaminsan tahay in qalabkaasi uu sidoo kale kormeeri karo dhaqdhaqaaqa militariga Shiinaha.
Laakiin Haley waxay sheegtay in Mareykanka "uusan haalkaasi uga tageyn Kuuriyada Koonfureed oo keli ah oo wajeheysa halista Kuuriyada Woqooyi ayadoo aan garab haysan”.
Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale diiday in lala heshiiyo Kuuriyada Woqooyi.