Sharmaarke Geele Gudoomiye Mise Madaxwayne W/Q Maxamed Andar

0
Sunday March 12, 2017 - 19:45:41 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sharmaarke Geele Gudoomiye Mise Madaxwayne W/Q Maxamed Andar

    Ilaa iyo maalintii sharmaarke geele loo magacaabay gudoomiyaha haayada shaqaalaha waxay dadka inta badan siyaasada rogrogaa calaamatu suaal saareen in uu hanankaro xilkaa culus, madaaama uu yahay shaqsi dhalinyaro ah misana u baahan waayo aragnimo fa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilaa iyo maalintii sharmaarke geele loo magacaabay gudoomiyaha haayada shaqaalaha waxay dadka inta badan siyaasada rogrogaa calaamatu suaal saareen in uu hanankaro xilkaa culus, madaaama uu yahay shaqsi dhalinyaro ah misana u baahan waayo aragnimo farabadan, hase yeeshee mudo yar kadib sharmaaarke waxa uu horumar balaadhan ka sameeyay xilkii madaxwaynaha qaranku u idmaday, waxa uuna meesha kasaaray tuhunkii laga qabay dhalinyarta dalka,waxa uuna si toosa uga soo mudhay bulshada dhexdeedii.

 



 

Maalinkaa wixii ka danbeeyay waxa ay daaqadi u iftiintay dhalinyartii hamiga ka lahaa in ay ka qayb qaataan siyaada iyo waliba talada sare ee dalka, taas oo sharmaarke tusaale fiican u noqday iftiimiyayna muhiimada ay dhalinyartu uleedahay horumarka dalka.

 

sharmaarke waxa uu waxa uu wadiiqo ifaysa u jeexay dhalinyarta hanka sare leh, wuxuuna gabi ahaanba tirtiray, tuhunkii ahaa in aanay dhalinyartu door muhiima ka qaadan Karin talada sare ee dalka, hase yeeshee markaad eegto horumarka uu sharmaarke ka sameeyay bulshada dhexdeeda waxa ay muujinaysaa in ay dhalinyartu tahay tan kaliya ee ku haboon hogaaminta dalka.


 

Markaad eegto aqoontiisa,tayadiisa,xirfadiisa iyo waliba habdhaqankiisa, waxaad moodaysaa in uu yahay madaxwaynihii dalka, taasina waa ta keentay in dhalinyartu ay u aqoonsadaan sharmaarke halmagac oo kaliya kaas oo ah (Madaxwaynaha Dhalinyarada)

Markaad barbardhigto masuuliyiinta kale e dalka waxaan shaki ka taagnayn in sharmaarke yahay ruux ka hawlkarsan kana daacad san ruux kasta oo ka xamaasha xukuumada axmed siilaanyo,taas oo aad ku salayn karto wakhtiga ay shaqada bilaabaan,sida ay bulshada ugu adeegaan iyo waliba wakhtiga ay shaqada ka rawaxaan,intaas markaad ka eegto waxaa cadaan ah in sharmaarke uu yahay ruux u huray naftiisa in uu ka run sheego xilka culus ee uu shacab waynaha reer Somaliland u hayo.


inkastoo ay jiraan wasaarado fara badan oo loogu tala galay in ay u adeega bulshada hadana waxa ay xal uheli waayeen in ay si hufan oo daacadnimo ku jirto u qanciyaan bulshada ay xilka u hayaan waxaana aan shaki ka taagnayn in ruuxkasta oo xilsare ka haya qarankeenan 26jirsaday uu marinka horeba dhigtay sakuurati amaba aan yidhaahdo askar gaadh ah oo uu ugu tala galay in ay ka ilaaliyaan bulshadii uu u shaqaynaayay taasina waa ta keentay in bulshadu ay inta badan dhaleeceeyaan shaqsiyaadka xilalka sare ka haya xukuumada.


 

hadaba sharmaarke waxa uu noqday shaqsiga kaliya ee aan xafiis kiisa dhigan wax sakuuratiya ama gaadh ah, waxaynu inta badan bulshadu si ka fool ka fool ah ugu booqdaan xafiiskiisa isga oo waliba sharmaarke qofwalba u qanciya sidii uu rabay waxaana intaas u dheer xataa in dadkii waayeelka ahaa ee cuslaa iyo waliba dadkii naafada ahaa ee awoodi waayay in ay soo koraan jaranjarta loo sii maro xafiiskiisa in uu isgu usoo u daa dago oo uu dabada ugu yimaadao isla markaana u dhameeyo muraadkoodii, mana jiro ruux kale oo xilhaya oo bulshada sidaa usameeya taasina waa ta keentay in sharmaarke ka calaamad sanaado shaqsiyaadka kale ee xilalka ka haya xukuumada axmed siilaanyo, sidaa si lamidana ay bulshaduna dhalin iyo waayeelba u hanqaltaagaan shaqsiyadiisa wanaagsan, waxaanan odhankaraa mar hadii sharmaarke hantiyay quluubta dadbadan oo aan rajo ka lahayn wanaag ay ka sugaan dadka xilalka sare uhaya qaranka, misana sharmaarke noqday ruux siada ay rabaan ugu adeegaya bulshada min qof yar ilaa qof wayn, ma gudoomiyaa mise waa madaxwayne? Waxaan odhankaraa waxa uu hayaa wadadii loogu talagalay in uu maro madaxwayanaha qaranku.



 

 

 

 

 

 

Sharmaarke Geele Gudoomiye Mise Madaxwayne W/Q Maxamed Andar

 

Gmail;maxamedqani122@gmail.com

Facebook; Maxamed Andar