Maraykanka 'waa lawada layn doonaa dagaalameyaasha Dawladda Islaamka ee Mosul'

0
Monday March 13, 2017 - 10:07:29 in by salman abdi
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka 'waa lawada layn doonaa dagaalameyaasha Dawladda Islaamka ee Mosul'

    Dhammaan dagaalameyaasha kuwa isugu yeera Dawladda Islaamka ee ku sii sugan magaalada Mosul ee dalka ciraaq ayaa dhiman doona, sida uu sheegay ergayga Maraykanka u qaabilsan isku dubarididda dagaalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhammaan dagaalameyaasha kuwa isugu yeera Dawladda Islaamka ee ku sii sugan magaalada Mosul ee dalka ciraaq ayaa dhiman doona, sida uu sheegay ergayga Maraykanka u qaabilsan isku dubarididda dagaalkaas.

Brett McGurk, oo ah masuul sare oo ka tirsan xulafad la dagaalamaysa kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka ayaa soo saaray digniintan ka dib markii ciidammada Ciraaq ay jareen waddadii kali ahayd ee ka soo baxaysay magaaladaas, iyadoo la go'doomiyay dagaalaameyaashii Dawladda Islaamka ee halkaas ku sugnaa.

Dadkan jihaad doonka ah ayaa tan iyo 2014 haystay magaalada Mowsul oo ah caasimadda labaad ee dalka Ciraaq.

Laakiin ciidammada Ciraaq ayaa maareeyay in ay dib u qabsadaan goobo badan oo magaalasa ah iyaga oo waday dagaal dabo dheeraaday oo bilo qaatay.

Hadda waxay gacanta ku hayaan dhammaan bariga magaalada, weerarkan u dambeeyay ee uu Maraykanku gacanta ka gaysanayana wuxuu billawday shantii bishan, weerarkaas ayaana ku qasbay in kooxdan xagjirka ah ay isaga baxaan goobo muhiim ah oo galbeedka magaalada ku yaalla, kuwaas oo ay ka mid yihiin xarunta ugu wayn ee maamulka magaalada, iyo matxafka caanka ah ee Mosul.

Dagaal culus ayaa magaalada ka sii socday Sabtidii iyo Axaddii, McGurk oo ku sugan Baqdaaadna wuxuu saxafiyiinta u sheegay in cusubka sagaalaad ee ciidammada Ciraaq ay jareen waddadii u dambaysay ee Mosul ka soo baxaysay.


Xigasho BBC/Somali