Chelsea Oo U Soo Baxday Afar Dhamadka FA Cupka, N'Golo Kanté Blues Ka Caawiyay In Ay Guul Ka Gaadho Toban Ciyaartoy Oo Man United Ah Iyo Conte Oo Mourinho Markale Dhulka Dhigay.

0
Tuesday March 14, 2017 - 11:42:30 in by salman abdi
  • Visits: 1141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo U Soo Baxday Afar Dhamadka FA Cupka, N'Golo Kanté Blues Ka Caawiyay In Ay Guul Ka Gaadho Toban Ciyaartoy Oo Man United Ah Iyo Conte Oo Mourinho Markale Dhulka Dhigay.

    Chelsea ayaa u soo baxday afar dhamaadka FA Cupka kadib markii ay Stmaford Bridge guul kaga gaadhay toban ciyaartoy oo Manchester United ah. N'Golo Kanté ayaa noqday xidiga kulankan farqiga ka sameeyay wuxuuna kooxdiisa ka caawiyay in ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa u soo baxday afar dhamaadka FA Cupka kadib markii ay Stmaford Bridge guul kaga gaadhay toban ciyaartoy oo Manchester United ah. N'Golo Kanté ayaa noqday xidiga kulankan farqiga ka sameeyay wuxuuna kooxdiisa ka caawiyay in ay soo dhaafto imtixaankii Man United wuxuuna dhaliyay goolka kaliya ee ay Blues guusha kaga gaadhay Red Devils.

Ander Herrera ayaa qaybtii hore ee kulankan kaadhka cas ka qaatay Man United taas oo xaalada ku xumaysay kooxda Jose Mourinho ee markii horeba la dhibtoonaysay maqnaanshaha Zlatan Ibrahimovic oo ay kooxdeedu si wayn ugu tiirsanayn si la mid ah Martial iyo Wayne Rooney oo kulankan seegay. Conte ayaa kulankii labaad oo xidhiidh ah dhulka dhigay Mourinho iyo kooxdiisa Man Untied isaga oo waliba ay kooxdiisu labada kulanba shabaq nadiif ah garoonka kala baxday.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

CHELSEA: (3-4-3): Courtois; Azpilicueta, David Luiz, Cahill; Moses, Kante, Matic, Alonso; Willian, Diego Costa, Hazard.

KAYDKA:Begovic, Terry, Zouma, Chalobah, Fabregas, Pedro, Batshuayi.

MAN UNITED(4-3-3): De Gea; Jones, Smalling, Rojo; Valencia, Herrera, Pogba, Darmian; Young, Mkhitaryan, Rashford.

KAYDKA:Romero, Blind, Bailly, Carrick, Lingard, Mata, Fellaini.

Qaybtii hore ee kulankii Stamford Bridge ayaan noqon mid lagu raaxaystay kadib markii ay Manchester United iyo Chelsea labaduba ku fashilmeen in ay wax goolal ah kala dhaliyaan. Chelsea ayaan bilawgii kulankan muujin awoodii ciyaareed ee laga filayay taas oo dhiiro galin wayn u ahayd kooxda martida ahayd ee uu Mourinho watay.

Chelsea oo garoonkeeda iyo jamaahiirta faa’iido u haystay ayaa doonaysay in ay u soo baxdo afar dhamaadka FA Cupka laakiin Mourinho oo xusuusnaa guuldaradii 4:0 ahayd ee Premier Leaque-ga ee isla Stamford Bridge xili ciyaareedkan kaga soo gaadhay Chelsea ayaa doonayay in natiijo fiican kala laabto kooxdiisii Blues.

DAQIIQADII 35 AAD KAADHKA CAS!! Manchester United ayaa dhibaato wayn la kulantay kadib markii uu Ander Herrera awoodi waayay in uu iska ilaaliyo kaadhka labaad ee digniinta ahaa wuxuuna markale qalad ku galay Eden Hazard oo ahaa xidiga Blues ugu fiicnaa waxaana kaadhka digniinta ah ee labaad iyo kaadhka cas oo wada socda Herrera u taagay garsoore Michael Oliver, waxaana Man United lagu soo yareeyay 10 ciyaartoy.

Xamaasada ciyaarta ayaa noqotay mid waali ah iyada oo Mourinho uu si wayn uga cadhooday in Herrera kaadhka cas loo taagay waxayna isku dhaceen Antonio Conte iyada oo garsooraha afraad ee kursiga kadyka fadhiyay uu Mourinho iyo Conte kala qabay intii ayna faraha isla galin.

Jamahiirta Chelsea ayaa erayo aflagaado ah ku durayay Mourinho waxanaa bilaabantay cadaawad aan hore u soo dhex marin Mourinho iyo jamaahiirta kooxdiisii hore ee Blues laakiin Mourinho ayaa ka sii cadhaysiiyay jamaahiirta Blues wuxuuna ku taagay saddexda farood isaga oo u tilmaamayay in uu saddex koob oo Premier Leaque-ga ah uu u soo qaaday.

Tabababare Mourinho ayaa ku qasbanaaday in uu shaxdiisa isbadal ku sameeyo markii Herrera kaadhka cas loo taagay waxaana ciyaarta laga saarayHenrikh Mkhitaryan waxanaa kaydka looga yeedhayMarouane Fellaini si uu awood ugu soo kordhiyo khadka dhexe.

Laakiin Man United ayaa awooday in ay ciyaarta baaqi ku sii ahaato waxayna Chelsea u diiday in ay hesho wax fursad ah oo hogaanka ciyaarta kula wareegi karto. Si kastaba ha ahaatee, muran iyo xamaasad waali ah oo uu sabab gaar ah u sii ahaa kaadhka cas ee Herrera kadib waxaa lagu kala nastay babraro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Chelsea ayaa haystay fursado badan oo dheeraad ah oo ay ka mid yihiin in Man United ay 10 ciyaartoy ahayd isl markaana waxaa Blues faa’iido dheeraad ah u ahayd in ay garoonkeeda iyo jamaahiirteeda taageero wayn ka helaysay.

DAQIIQADII 51 AAD GOOOOOOOOOOOL!!N’Golo Kanté ayaa ugu danbayn jabiyay ismari waagii waqtiga dheer soo taagnaa ee ciyaarta kadib markii uu darbo uu ka soo tuuray meel ka baxsan xerada ganaaxa Man United uu David De Gea si fiican ugu garaacay isaga oo kubbad ka helay Willian wuxuuna goolkan burburiyay rajadii Man United ay ku doonaysay in ay ciyaarta gool la’aan ugu sii hayso waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Chelsea hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Haddii goolka furitaanka laga sugayay Eden Hazard, Diego Costa ama Willian, balseN’Golo Kanté ayaa noqday xidiga Antonio Conte iyo jamaahiirta Stamford Bridge farxada waalida ah u horseeday.N’Golo Kanté ayaa la soo baxay saamayn cajiib ah wuxuuna dhibaato badan ku abuurayay Man United.

DAQIIQADII 59 AAD Marcus Rashford ayaa helay fursad aan la rumaysan karin isaga oo sida uu doonayo ka yeelay difaaca Chelsea wuxuuna kubbad kula soo baxay goolka Chelsea isaga oo waliba dariiq ka dhigtay Cahill oo uu soo kala jeed jeediyay laakiin Courtios ayaa awooday in uu Blues ka badbaadiyo wax u muuqday goolka barbaraha ee Man United.

Alla maxay halis Chelsea gashay?. Laakiin Rashford iyo kooxdiisa oo maanka ku haysay in fursadan oo kale ayna si sahlan ku soo mari doonin ayaa madax qabsaday. Markan Man United ayaa dareentay dhibaatada ay leedahay in 10 ciyaaartoy garoonka loogu jiraa.

Intaa wixii ka danbeeyay Chelsea ayaa Manchester United ku soo ooday xerada ganaaxa kooxdeeda waxayna ciyaartu noqotay Man Untied oo si buuxda difaac u gashay iyo Chelsea oo raadinaysa goolka labaad ee kalsoonida. Daqiiqad kasta waxaa la filan karayay in Blues ay la iman karto goolka labaad.

Man United ayaa doonaysay in ay si buuxda difaac ugu jirto balse ay mar hesho fursad ay goolka barbaraha kula iman karto wuxuuna daqiiqadii 81 aad Mourinho kaydka uga yeedhay Jesse Lingard wuxuuna ciyaarta ka saaray Ashley Young laakiin sidoo kale Antonio Conte ayaa isbadalkii ugu horeeyay shaxdiisa ku sameeyay wuxuuna kaydka uga yeehdayFrancesc Fàbregas isaga oo ciyaarta ka saaray Willian.

DAQIIQADII 82 AAD Paul Pogba ayaa darbo aad u fiican lugtiisa bidix ku tuuray isaga oo waliba ka baxsanaa xerada ganaaxa Chelsea wuxuuna ku dhawaaday in uu Red Devils ugu keeno goolka barbaraha laakiin goolhaye Courtios ayaa markii labaad ee qaybtii danbe ee kulankan oo ay kooxdiisu u baahatay ka badbaadiyay fursada uu Pogba goolka barbaraha ku dhalin lahaa.

Chelsea ayay fursado aan tiro lahayn iska lumisay waxaana dhibaato wayn ku noqotay sidii ay ciyaarta ku dili lahayd ee ay goolka labaad ugu heli lahayd. Antonio Conte ayaa ka walwalsanaa in kooxdiisu ay hal qalad samayso oo ay Man United hesho goolka barbaraha maadaama oo Blues luminaysay fursado ay goolal badan ku dhalin kartay, waxaana shaqo aad u adag hayay xidigaha Man United.

DAQIIQADII 90+1 Chelsea ayaa soo qaaday weerar deg deg ah oo aad u halis badnaa iyada oo Costa uu u muuqday in uu dhalinayo goolka labaad ee Blues laakiin waxa uu la daahay fursada uu haystay wuxaana kubbada ku soo gaadhay Fabregas iyo Hazard iyada oo Fabregas uu darbo xoogan ku tuuray goolka United laakiin De Gea ayaa badbaadin fiican sameeyay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Chelsea markale ku garaacday kooxda Mourinho ee Man United balse markan Mourinho ayaa ugu yaraan haysta cudur daarka kaadhkii casaa ee Ander Herrera iyo waliba in kooxdiisa oo 10 ciyaartoy waqtigii ugu badnaa ku ciyaartay hal gool oo kaliya looga badiyay. Laakiin Conte iyo kooxdiisa Blues ayaa u soo baxay afar dhamadka FA Cupka waxayna noqdeen kooxdii saddexaad ee ree London ah oo wareegan u soo baxday.