Akhriso Wareegtadii Xukuumadu Ku Hor Istaagtay Shirarka Lagu Qabto Hudheelada Dalka Iyo Hanjabaada Ka Muuqata.

0
Tuesday March 14, 2017 - 15:04:37 in by salman abdi
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Wareegtadii Xukuumadu Ku Hor Istaagtay Shirarka Lagu Qabto Hudheelada Dalka Iyo Hanjabaada Ka Muuqata.

    Xukuumada Somaliland ayaa wareegto ay soo saartay ku mamnuucday in la qabto shirar ka soo horjeeda maal gashi ay sheegtay in dalka lagu samaynayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland ayaa wareegto ay soo saartay ku mamnuucday in la qabto shirar ka soo horjeeda maal gashi ay sheegtay in dalka lagu samaynayo.

Xukuumada Somaliland ayaa wareegto ay soo saartay ku mamnuucday in la qabto shirar ka soo horjeeda maal gashi ay sheegtay in dalka lagu samaynayo.

No automatic alt text available.

Wareegto amar ah oo ka soo baxday xafiiska wasiirul dawlaha amniga ee wasaarada arimaha gudaha somaliland ayaa lagu sheegay inaan la qaban Karin shirar ka soo horjeeda heshiisyada maalgashi ee xukuumadu gasho iyo shirarka ka hor imanaya nabad galyada dalka.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska wasiirul dawlaha Amniga ayaa u dhignayd sidan " Sida aad la socotaan waxa baryahan dambe dalka ku soo badanaya shirar lidi ku ah oo ka hor imanaya nabad galyada iyo mashaariicda/


horu marineed ee dalka ka socda, kuwaas oo lagu qabto Hutelada waa weyn ee dalka, shirarkaas oo la rabo in lagu kiciyo bulshada somaliland si khalad ahna wax loogu sheego.

 

"Inkasta oo dalkeenu yahay dal dimuqraadi ah hadana wixii nabad galyada ka hor imanaya cidna laga yeeli maayo sidaas darteed laga bilaabo taariikhda qoraalkan waxa reeban in shirarkaas aynu kor ku soo sheegnay lagu qabto huteelada, cid kasta oo ka hor timaada qoraalkan isla markaana ogolaata in shirarkaas lagu qabto huteelada waxa laga qaadi doonaa talaabo adag waxaana la hor geyn doonaa sharciga.