Salaad Roob Don Ah Oo Laga Tukaday Magalada Muqdisho Iyo Raysal Wasaraha Somaliya Ayaa Kala Qayb Galay Shacabka Somaliya.

0
Tuesday March 14, 2017 - 15:14:37 in by salman abdi
  • Visits: 506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Salaad Roob Don Ah Oo Laga Tukaday Magalada Muqdisho Iyo Raysal Wasaraha Somaliya Ayaa Kala Qayb Galay Shacabka Somaliya.

    Muqdisho(AFKA);Salaad "Roob doon" ah, ayaa maanta lagu oogay Banaanka hore ee Masaajidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdiaho, waxaana kasoo qeyb-galay masuuliyiin, culumaa'udiin, Ardada dugsi Qur'aanka iyo dadweyne ka kala yimid deg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Salaad "Roob doon" ah, ayaa maanta lagu oogay Banaanka hore ee Masaajidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdiaho, waxaana kasoo qeyb-galay masuuliyiin, culumaa'udiin, Ardada dugsi Qur'aanka iyo dadweyne ka kala yimid degmooyinka gobolka banaadir.

Masuuliyiintii ku sugnaa masjidka waxaa ka mid ahaa, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, wasiirka wasaaradda Diinta iyo Owqaafta C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Culumaa'udiin magaca ku dhex-leh bulshadda Soomaaliya, ayaa qeyb ka ahaa salaada, waxaan ka mid ahaa, Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, Sheekh Cali Dheere iyo Mashaa’iq kale oo badan.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Owqaafta dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa dhankiisa sheegay in Abaartaan ay ku timid danbi ay galeen dadka Soomaaliyeed, haatana looga bixi karo oo kaliya in lees Cafiyo.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa dadka ay saameeyeen Abaaraha ugu duceeyay in Alle uu ka dulqaado, waxaana hadalkiisa uu sii raaciyay in Abaaraha ka jira dalka ay la xariiraan Musuq maasuqa iyo Qabyaalada Baahsan ee ka jira dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhexdooda.

"Waxaan idiin ballan qaadaynaa aniga iyo Madaxweynahaba inaan la dagaalami doono Musuq maasuqa iyo Qabyaalada, si looga gudbo dhibaatooyinka hada jira.” ayuu yiri Mudane khayre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa todobaadkii hore sheegay in Maalinta Talaada in la tukan doono Salaad roob doon ah.

Tallaabadan ayuu madaxweynuhu sheegay inay muhiim u tahay in laga fogaado musiibo bani’aadannimo oo dalka ka dhacda.

Farmaajo ayaa dhinaca kale ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo qurbo-joogta inay ka qeyb galaan dadaallada looga soo kabanayo abaaraha, si loo yareeyo saameynta abaaraha ee dalka.

Sidoo kale, deegaanadda Abaarta ay saameyay ayaa waxaa laga soo sheegayaa in xaalad adag ay ka jirto.

Ra’iisal Wasaaraha soomaaliya oo dhawaan la kulmay guddiga Abaaraha, ayaa sheegay in 48 saac gudahooda 110 ruux in ay gaajo iyo haraad ugu geeryoodeen Gobolada Bay iyo Bakool.