Dadka reer Hong Kong oo ka dabo dhacay boliis 'halyay' ah.
Ninka rabay in uu is dilo ayaa fuulay meel dhulka ka saraysa labaatan mitir oo uu dhisme ka socday, booliiska ayaana loogu yeeray in ay goobtaas tagaan.
Ifzal Zaffar, oo asal ahaan ka soo jeeda Pakistan ayaa si munaasab ah u fuulay meesha uu ninku saarnaa isaga oo kula hadlay luuqaddii ay wadaageen.
Ninkii ayaana ogolaaday in uu soo dago isaga oon naftiisa haligin, ka dibna isbitaal ayaa loo sii qaaday.
Zaffer oo sidoo kale si wanaagsan ugu hadla luuqadda Cantonese ayaa sheegay in uu raacayay tababarkii la soo siiyay.
- Jacayl dhexmaray gabadh Ciraaqiyad ah oo qaxooti ah iyo askari reer Mecadonia ah
- Jaajuus shaqadiisa ku waayay jacayl
- Faransiiska oo Booliis lagu tooriyeeyay
- Shabaab oo weeraray saldhig booliis oo ku yaalla degmada Garissa
- Booliis loo haysto afgambigii turkiga oo markii u horaysay Istanbul lagu maxkamadaynayo
Apple Daily ayuu u sheegay in uu cilmi ahaan u soo dhigtay xeeladihii uu adeegsaday, uuna u malaynayo in uu degenaansho dareemay ninku markii uu kula hadlay afkiisa hooyo.
Wiilkan yar ayaa ku biiray booliiska sanad uun ka hor, waxaana la sheegay in uu yahay askariga kali ah ee asal ahaan Pakistan ka soo jeeda ee degmadaas ku nool.
Wuxuu booliiska ku soo galay hab lagu qoro dadka aan Shiinayska ahayn.
Dad badan ayaa baraha bulshada ku amaanay wiilkan iyaga oo sheegay in uu xirfad leeyahay daacadna yahay, Guddiga Muslimiinta ee Hong Kong ayaa iyaguna amaanay ficilka wiilka yare e booliiska ah.
Dadka reer Hong Kong oo ka dabo dhacay boliis 'halyay' ah.
Wiil 20 jir ah oo booliiska Hong Kong ka tirsan ayaa caan ka noqday internetka ka dib markii uu af Urduu wanaagsan ku la hadlay nin Pakistani ah oo rabay in uu is dilo.