Muqdisho:Dawlada Somalia Oo Ka Hadashaay Khasaaraha kasoo Gaadhay Qarixii Lala Beegsaday Xarunta Madaxtooyada Somalia Iyo Cidda Ka Danbaysay.

0
Saturday February 22, 2014 - 00:31:28 in by Super Admin
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:Dawlada Somalia Oo Ka Hadashaay Khasaaraha kasoo Gaadhay Qarixii Lala Beegsaday Xarunta Madaxtooyada Somalia Iyo Cidda Ka Danbaysay.

    Wasiirka amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay weerarkii saaka lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay weerarkii saaka lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya, Dawlada Somalia Oo Ka Hadashaay Khasaaraha kasoo Gaadhay Qarixii Lala Beegsaday Xarunta Madaxtooyada Somalia Iyo Cidda Ka Danbaysay.

 

Wasiirka amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay weerarkii saaka lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya, isagoo sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.Guuleed ayaa intaas ku daray in kooxihii weeraray madaxtooyada qaarkood la dilay kuwa kalena la qabtay ayna dowladdu gacanta ku hayso isagoo aan sheegin tirada ay qabteen.

Xilliga weeraradan ay dhacayeen ayaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya waxay ku tukanayeen salaadda Jimcaha masaajid ku yaalla gudaha madaxtooyada.

Hase ahaatee, waxaa la xaqiijiyay in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu badqabo, balse ay jiraan saraakiil dowladda ka tirsan oo weerarkan lagu dilay.

Wasiirka ammaanka Qaranka C/kariin Guuleed ma sheegin khasaaraha nafeed ee weerarkan oo ahaa mid aad u xooggan ka dhashay, mana jirto cid uu si gaar ah ugu eedeeyay inay weerarka ka dambeysay.Ma jirto cid weli cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaan, balse Al-shabaab ayaa looga bartay weerarrada noocan oo kale ah inay ka fuliyaan Muqdisho oo ay ka taliso dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ahaate Somalia ayaa u EEG meel amaan jeedi faraha ka sii baxaayo aan wax xasiloonniya ka jirin dadka ku nool muqsho ay aad Uga cabsadeen amaan la'-aanta ka jirta Xamar.



Afkashacabka.com
Muqdisho /Office