Wasaarada Duulista Oo Ganacsade Qoyska Madaxtooyada Ka Soo Jeeda Siisay Qandaraas Shan Milyan Oo Doolar Ku Kacaya Oo Aan Wax Tartan Ah Loo Gelin.

0
Thursday March 16, 2017 - 16:16:10 in by salman abdi
  • Visits: 786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Duulista Oo Ganacsade Qoyska Madaxtooyada Ka Soo Jeeda Siisay Qandaraas Shan Milyan Oo Doolar Ku Kacaya Oo Aan Wax Tartan Ah Loo Gelin.

    Hargeysa(AFKA);Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, ayaa si cad oo aan qarsoodi lahayn qandaraaska dhismaha Run-way-ga madaarka Burco u siisay ganacsade can ah oo kasoo jeeda qoyska madaxweyne Siilaanyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, ayaa si cad oo aan qarsoodi lahayn qandaraaska dhismaha Run-way-ga madaarka Burco u siisay ganacsade can ah oo kasoo jeeda qoyska madaxweyne Siilaanyo

, iyada oo ay masuuliyiinta wasaaraddu baal mareen shuruucdii iyo xeerarkii caddaaladda ku dhisnaa ee loo bixin jirey qandaraasyada dhismeyaasha qaranku leeyahay.

Sida ku cad xogo hoose uu helay wargeyska Hubaaal, waxa ay masuuliyiinta wasaaradda Duulistu qandaraaska dhismaha Run way-ga madaarka Burco tartan la’aan ku siiyeen ganacsade Cabdirisaaq Cummaani oo qoyska madaxweyne Siilaanyo kasoo jeeda, kaas ooh ore u hirgeliyey dhismaha Run wayga madaarka Hargeysa oo uu hore sidan oo kale ugu gacan geliyey wasiirka


madaxtooyada oo xilligaas Duulista masuul ka ahaa.

 

Qandaraaska la siiyey ganacsade Cabdirisaaq Cummaani oo markii uu sidan oo kale u helay qandaraaskii dhismaha Run way-ga madaarka Hargeysa samaystay shirkad lagu maccaabo Chine Horn Group, ayaa lacagta ku baxaysa ee gacanta laga geliyey waxa uu qaddarkeedu yahay $5000,000(shan milyan)oo dollar oo ay bixisay dawladda Kuwayt oo sidan oo kale u bixisay lacagtii lagu dhisay madaarka Hargeysa oo ay canaan badani kasoo noqotay.

Wasaaradda Duulista, ayaa qanadaraaskaas dhammaystirtay dhawaan, waxana ay warbaahinta usoo bandhigtay toddobaadkii ina dhaafay, iyada oo aan wax faahfaahin ah ka bixinin sababta uu ganacsadahani ku helay qandaraaska dheefta intaas le’egi ku jirto ee loogula tartami waayey.

Qandaraaska la siiiyey ganacsadahan kasoo jeeda qoyska madaxweyne Siilaanyo, ayaa socon doona muddo laba sano ah sida ay masuuliyiinta wasaaradda Duulistu sheegeen, waxana wararku sheegayaan inuu agabkiisii dhismaha qaar kamid ah uu usoo dhaqaajiyey dhinaca magaalada Burco, isaga oo kasoo dhaqaajiyey waddada Ceerigaabo iyo Burco isku xidhaysa oo uu qayb kamid ah dhismaheeda gacanta ku hayo.

Guddida qandaraasyada qaranka oo uu madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay markii uu talada dalka haaneeday, ayaa camal la’aan albaabadu u laaban yihiin, waxana shaqaalaheedu iska qaataan mushaharaad qaranka dhiig-bax ku ah oo aanay u dhididin, iyada oo shaqadoodii u af-duuban tahay shakhsiyaad mabaad’ii qoysnimo ku shaqaynaya oo aan shuruucda iyo xeerarka waddanka wax ixtiraam ah u haynin.

Shuruucda dalka ee bixinta qandaraasyada, ayaa qoraysa in dhisme kasta amaba iib kasta oo ay dawladdu u baahan tahay oo qiimihiisu kor u dhaafo $3000(saddex kun)oo dollar tartan qandaraas la geliyo oo ciddii qiimaha ugu hooseeya keenta la siiyo, balse taasi mar kaliya ayey dhacday intii xukuumaddani jirtey, waxana markaasi ahayd xilligii uu wasiir Maxamuud Xaashi iibinayey dhismihii hore ee wasaaradda Duulistu ku lahayd badhtamaha magaalada oo ciddii iibsatay ku heshay qandaraas loo wada dhammaa.

Bixinta qandaraasyada noocan oo kale, ayaa waxa ay naanays xumo ku yihiin haybadda iyo sharafta madaxweynaha qaranka, iyaga oo taariikhdiisa dambena muqdi gelinaya, balse lama xaqiijin karo inuu madaxweynaha laftiisu lug ku leeyahay hannaanka qabiilaysan ee qandaraaskan loosoo xulay iyo in kale.