Isuduwaha Barnaamijyadda Xisbiga Waddani Ee USA OO Ka Warramay Guulihi Xisbigu Ku Tallaabsaday Mudadi Udanbeeyay.
Waxa La Abuurey Waaxdii Abaabulka Wacyigalinta Iyo Diiwaangalinta Muraaqibiinta. Waxa La Sameeyey Guddi Dhaqaale Oo Ka Kooban 7-Xubnood Oo La Ga Soo Xuley Guud Ahaan Gobollada Xisbigu Ka Jiro.
Waxa La Xoojiyey Oo La Awoodeeyey Guddidii Anshaxa Si Ay Meesha Uga Saarto Kooxaysiga Iyo Amardiidada. Waxa La Abuurey Kooto Dhaqaale Oo Laga Ururinayo Masuuliyiinta Xisbiga Calaa Qof $1,000. Waxa Uu Guddoomiyihu U Baxay Safar Denver Colorado Isagoo Xisbiga Ku Soo Dhaweeyey Boqollaal Taageerayaal Ah Dhawaanna
Saxaafadda Loo Soo Bandhigi Doono.
Waxa Wadahadal La La Furey Masuuliyiintii Hore Ee Xisbiga Ka Soo Shaqeeyey Oo In Muddo Ah Dibadda Ka Joogey Hawlaha Xisbiga. Waxa Guddoomiyihu Ku Dhawaaqay Shirweyne Haween Oo Xisbiga Dhaqaale Loogu Raadinayo. Waxa Kale Oo Guddoomiyuhu Qorshaynayaa In La Qabto
Shirweyne Guud Oo USA Oo Dhan Ah.
Guud Ahaan Xaaladda Xisbigu Waa Mid Cagta Saartay Meeshii Ugu Sarraysay Abid. Waxaase Laga Yaabaa In Qof Meel Laga Baddalay Ama Aragti Ahaan Aan Barnaamijka Xisbiga La Dhacsanayn Inuu Iska Caaddifad Hadlo. Taasna Waa Sunni In La Kala Duwanaado. Waxaanse Leeyahay Wixii Muuqda Ayaa Macaan. Guul Baan U Rajeynayaa Guud Ahaan Xisbiga Gaar Ahaan USA Iyo Horumarka Ay Cagta Saartay.
Isuduwaha Barnaamijka Xisbiga Waddani USA
Axmed Jawhar
Isuduwaha Barnaamijyadda Xisbiga Waddani Ee USA OO Ka Warramay Guulihi Xisbigu Ku Tallaabsaday Mudadi Udanbeeyay.
Xisbiga Waddani Laantiisa USA Wuxuu Marayaa Halkii Ugu Wanaagsanaa Abid. Waxa Ku Soo Biirey Cudud Iyo Cuud Camaarkaa Ka Badan. Waxa Dib Loo Habeeyey Guddiyadii Iyo Nidaamkii Xisbiga. Waxa Dib Loo Dhisey Garabkii Haweenka Iyo Garabkii Dhalinyarada.