"Xildhibaannada Golaha Guurtidu Xaq Bay U Leeyihiin Wixii Ay Dooddooda U Cuskanayaan, Annaguna Illaa Iyo Inta Uu Illaahay Noo Qoray Waanu Fadhiyayanaa [Kursiga]"

0
Friday March 17, 2017 - 14:34:18 in by salman abdi
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xildhibaannada Golaha Guurtidu Xaq Bay U Leeyihiin Wixii Ay Dooddooda U Cuskanayaan, Annaguna Illaa Iyo Inta Uu Illaahay Noo Qoray Waanu Fadhiyayanaa [Kursiga]"

    Hargeysa(AFKA);Shirguddoonka Guurtida Oo Markii U Horreysay Si Toos Ah Uga Jawaabay Eedaha Golahooda Loogu Jeediyey Qaabkii Ay Muddada U Kordhiyeen Iyo Hadal-haynta Sharci Ee Ka Dhalatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Shirguddoonka Guurtida Oo Markii U Horreysay Si Toos Ah Uga Jawaabay Eedaha Golahooda Loogu Jeediyey Qaabkii Ay Muddada U Kordhiyeen Iyo Hadal-haynta Sharci Ee Ka Dhalatay

Ku-simaha guddoomiyaha Guurtida Oo Koox Weriyeyaal Ahi Su’aalo Daran-doorri Ah Weydiiyeen Isaga Oo Baabuurkiisa Saaran+Jawaabaha Uu Ka Bixiyey Qoddobo Dooddii Xildhibaannada Ku Jirtay

Shirguddoonka golaha guurtid ayaa markii u horeysay iska difaacay eedo iyo dhaliilo loogu jeediyey qaabkii ay goleyaasha qaranka mudada ugu kordhiyee khaasatan goleyaasha deegaanka oo ra’yul-camka u dhuun daloola arrimahoodu ku tilmaamaeen in muddada loo kordhiyey dawladaha hoose ay xildhiibaannada guurtidu dhaqaale dhaafsadeen, si kale haddii loodhigana la laaluushay golaha guurtida. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha guurtida ahna ku simaha guddoomiyaha golahaasi Xil. Siciid Jaamac Cali oo shalay ay warbaahintu su’aalo ku weydiisay kaamboolka golahaasi isaga oofuushan baabuurkiisa ayaa haba yaraatee meesha ka saaray in muddo kordhintii ay golayaasha u sameeyeen ahayd mid sharciga baal marsan iyo mid aan loo meel dayin toona, hase yeeshee ay golahooda oo xaq u leh mar kasta in ay muddada u kordhiyaan golayaasha iyagoo u eegaya marxallada lagu jiro ay tan dhawaanna u sameeyeenna sharciga u eegeen.

"Annagu Eedayntaasi waxba kama ogin ee maayarrada waxaana naloogu keenay muddo kordhintooda oo waxaa ay soo raaceen kuwa kale taasna sidii uu goluhu go’aanka uga qaatay media-yuhu wuu la socday. Tanina maaha markii ugu horeysay ee aanu kordhinay deegaammada laba goor oo hore ayaanu u kordhinay mudada, waxana aanu ku kordhinaa waxa weeye codsiga madaxweyuhu soo codsado”. Sidaa ayuu yidhi Siciid Jaamac Cali guddoomiye ku xigeenka koowaad ee guurtidu, waxaanauu intaa ku daray mar ay saxaafaddu weydiisay sida uu u arko dhaliilaha loo jeediyey golahooda ee la xidhiidha muddo kordhinta goleyaasha gaar ahaanna kuwa golaha deegaanka "dee qofkii wax dhaliilayaa ujeedada uu wax u dhaliilayo isagayjirtaa laakiin annagu markaanu muddo kordhin samaynayno iskama samayno oo muddo kordhin kuma dhawaaqnee qiimayn baanu samaynayaa iyo xog ogaal u noqosho iyo waqtiga ay mid kastaa ku qabsoomi karto oo suurto gal ah”. Mar la weydiiyey warar suuqa ku jira oo sheegaya in xildhibaannada golaha guurtidu ay muddo kordhinta golayaasha deegaanka ku ladheen qoddob odhanaya in inta la hadhsanmuddo xileedka dawladaha hoose kooto loogu xidho maayarrada inaan xilka laga qaadi Karin, waxaa uu Xil. Siciid Jaamac Cali si kooban ugaga jawaabay "xildhibaannada golaha guurtidu marka ay doodayaan wixii ay dooddooda u cuskanayaan xaq bay u leeyihiin, waxa uu xildhibaanku ku doodaana maahawax go’aan ah” sidaas ayuu yidhi isaga oo aan jawaabtii su’aasha la weydiiyey si toos ah uga jawaabin. Waxaa kale oo su’aalaha darandoorriga ah eela weydiiyey kamid ahaa sida uu u arko muddada ay iyaga [guurtida] laftoodu kordhisteen maadaama oo mudada ay kursiga ku fadhiyaan la yaqaan oo ay la da’ yihiin dib u dhalashadii Somaliland oo muddo rubuc qarni ka badan jirta, waxaana uu kaga jawaabay mar su’aashaasi la waydiiyey illaa iyo goorta ay ka kacayaankursiga " Annagu waanu fadhiyayanaa [kursiga] illaa iyo inta uu Illaahay noo qoray”.

Source:Hubaal